Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Shalay Dhex-maray Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Ciidanka Uu Watey Korneyl Gamaal Baaxad + Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Shalay Dhex-maray Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Ciidanka Uu Watey Korneyl Gamaal Baaxad + Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada qaranka Somaliland ayaa shalay Weerar ku qaaday ciidamada uu Watey Korneyl Gamaal Baaxad oo hore uga tirsanaa ciidamada qaranka isla markaana sheegay in uu ku biiray jabhada uu hoggaamiye Korneyl Caarre.

Ilaa hada ma jiraan war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo ka soo baxay labada dhinac balse sida ila Wareeedyo lagu kalsoon yahay u sheegen wargeyska Waabari shalay Duhur nimadii ayaa ciidamada Qaranka Somaliland weerar ku qaadeen Jabhada uu wato Korneyl Gamaal Baaxad oo ku sugan Buuraleyda Haldhaadan oo 35 Km dhinaca Waqooyi bari kaga began Magaalada Ceerigaabo .

Dagaalkan oo socday Muddo Saacado ah ayey ilo Wareedyadu Tilmaamneen in Korneyl Gamaal Baaxad iyo ciidankiisuba ay iska Caabin kala hor tageen ciidamada Qaranka Somaliland waxaana la sheegay in Khasaaraha dhinaca Korneyl Gamaal Baaxad uu yahay hal Askari oo dhawac ah halka Wararka rasmi ah aan wali laga helin khasaaraha soo gaadhay ciidamada Qaranka Somaliland.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in ciidamada Qaranku ay sidoo kale ay soo kaxeysteen Gaadhihii Ambulace-ka ahaa ee hore loogu dhacay magaalada Ceerigaabo iyada oo sidoo kale-na la sheegay iyada oo markii hore ay soo qab qabteen dad tiro badanaa oo ku sugnaa deegaankaasi balse markii danbe la sii daayey .

Ciidamada qaranka oo wata gaadhigii Ambulce –ka ahaa ayaa la sheegay in ay soo kaceen dhinaca magaalada Ceerigaabo halka Korneyl Gamaal Baaxad iyo ciidankiisu hoos ugu dhaadhaceen Buuraleyda Haldhaan lamana garan karo in weerar kale kaga iman karo ciidamada Qaranka Somaliland iyo in xaalada halkaas ku joogsan doonto

Xukuumada ayaa hore u sheegtay in ay gacanteeda ka dhawreyso Korneyladaas goostey si khasaare looga fogaado.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top