(SLT-Ceerigaabo)-Waxaa maanta si rasmi ah loo furay waddada weyn ee u dhexeeysa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ee Somaliland.
Waa mashruuca ugu wayn ee halkaasi laga bilaaabay oo shanti sanno ee lasoo dhaafay soo socday, waxaana illaa iyo haatan ku baxay 22 milyan oo doollar.
Daraasad laga sameeyay khasaarihii ka dhashay dabaylihii badhtamihii sanadkan ku dhuftay Somaliland
Dadka deegaanka ayaa weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige u sheegay in horraan shacabka deegaanka ay 12 saacaadood ay ku qaadan jireen waddada Ceergaabo iyo Burco, mararka ay roobabka da’aana dadka ay habeen u dhixi jireen balse hadda waxay ku qaataan 4 ilaa 5 saacadood.