Connect with us

somalilandtoday.com

Shaqaala Saarnaa Markab Oo Lagu Afduubtay Dalka Nigeria

focus

Shaqaala Saarnaa Markab Oo Lagu Afduubtay Dalka Nigeria

(SLT-Nigeria)-Wararka ka imanaya dalka Nigeria ayaa shegaya in koox burcad badeed ah ay afduubteen shaqaala saarnaa markab.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay xeebta Bonny,oo u dhaw Port Harcourt.

Shaqaalaha markabkani oo lagu magacaabo Massoel ayaa waxay sheegeen in bucad badeedani ay markabkani oo siday Qamadi ay xoog ku soo koreen.

Burcadda ayaa la tagay 12 ka mid ah 19 shaqaalihii markabka saarnaa.

Shirkadda iska leh markabka ayaan wali shaacin dalalka ay ka soo kala jeedaan shaqaalihii saarnaa markabka la afduubay.

Ciidamada badda ee dalka Nigeria ayaan xaqiijin Karin dhacdadan , balse waxa waxa ay sheegeen in doomo ay qoryo ku rakiban yihiin halkaasi loo diray si ay baaritaan u sameeyaan.

Weerarada ay qaadaan burcad badeeda ayaa ku sii badanayay biyaha dalka Nigerian muddooyiinkii ugu dambeeyay.

Bishii May ee sanadkan 11 ka mid ah shaqaale saarnaa Markab ayaa laga afduubtay goobta lagu magacaabo Port Harcourt, waxaana la haystay 4 toddobaad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top