Connect with us

somalilandtoday.com

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Oo Hab Cilmi Ah U Sharaxay Maaddada Falaasta Ku Jirta Ee Soomaalidu Ka Shakiday

focus

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Oo Hab Cilmi Ah U Sharaxay Maaddada Falaasta Ku Jirta Ee Soomaalidu Ka Shakiday

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Daawo-yaqaanada Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, ayaa ka hadlay maadada asbestosloo yaqaan ee sida kiniinka u ku dhex jirta falaasadaha shaaha, waxaanu sheegay in aanay ka ilaaliso falaastu inay qaboojiso shaaha, isagoo uga digay dadku inay Gacamaha ku bur-buriyaan walaxdaa yare e sida kiniinka u samaysan.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo arrinkaasi ka hadlaya ayaa waxa oo yidhi sidan” Ugu horayn waxa mihiim ah inaynu ka jawaabno kolba wixii bulshadeed-na ka dhex jira, maal-mihii ugu dambeeyey waxa soo noq-noqnaysay falaasado fara badan oo la jajabiyey oo runtii inagu ah dhaqaale daro badan, Falaasadaha marka laga sheegaynayo waxa ku jira walax la yidhaah-do asbestos oo macdan ah falaasadaha oo dhana kuma jiree waxay ku jirtaa qaar kamid ah, walax la yidhaah-do asbestos oo macdan ah waxa la isticmaali jiray wax ka badan afar boqol oo sano ilaa maanta waa la isticmaalaa ujeeda ugu weyna waxay tahay sidii falaasadu ay kulaylka u ilaalin lahayd oo waxa la kala dhex geliyaa labada quraaradood ay falaasadu leedahay si aanya kulaylka dabada aanau ugu sii dayn gudahana aanay ugu siidayn oo faalasadu aanay u qaboojin, ujeeda ugu weyn asbestos oo macdan ah sida kiniinka oo kale ihi ujeeda ugu weyn ayey leedahay.”

Geesta Kalena Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa soo bandhigay xanuunada halista ah ee laga qaado Macdanta asbestos loo yaqaano “Waxaan la iska idho tirikarayn asbestos waxa la ogaaday caafimaad daro waa weyn , markaa saddex ayaa ugu waa weyn waxa samaysaan xanuu la yidhaah asbatoses oo inta badan sida oofta oo kale dadka u qabta oo sambabka kaga dhaca waxa kaleay samaysaa kansar waxa kalay samaysaa runtii kansarka mid ka sii xun , macdanta asbestos-ta la yidhaah inta badan kuma sababayso Falaasada, lakiin waxay ku sababaysaa marka macdanta la nuugo ee jidhka bila aadamka ahii uu nuugo ee muddo dheer uu nuugay wax ka bilaabay 30 cisho ama hal .”

Ugu Dambeyn Dr Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aanay wax-yeelo lahayn madadan ku samaysan falaasta, balse ay halistahay haddii laga soo saaro oo la bur buriyo “Lakiin Macdantan yare e ku jirta Falaasaduhu waa mid aadn dhibaato lahayn ujeeda ugu weyn ee loogu talogalayna waxa weeyaan waa inay kulaylkaa ku hayso falaasada, labada waxa khatar badan marka la bur-buriyo falaasada ee kiniinkaa yar do asbestos”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top