Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeney Maraykan Ah Oo Toogasho Ku Dishay Shan Qof

focus

Haweeney Maraykan Ah Oo Toogasho Ku Dishay Shan Qof

(SLT-Washington)-Haweeney u dhalatay dalka Maraykanka ayaa toogasho ku dishay shan ruux kadib markii ay rasaas ku furtay xarun ay ka howlgalaysay.

Weerarkan ayaa ka dhacay goob ay ku yaalaan bakhaaro, waxaana geysatay haweenay la sheegay inay toogatay afar qof kadibna is dishay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta weerarkan ka danbeysa, balse inta badan ayey dalkaasi Maraykanka ka dhacaan weeraro ay geystaan dad hubeysan kuwaasi oo marar badan ka dhaca goobaha shaqada, iskuulada iyo goobaha kale oo ay dadka isugu yimaadaan.

Goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa ah nawaaxiga xarunta Rite Aid distribution centre oo ku taal magaalada Aberdeen oo 56km waqooyiga uga beegan magaalada Baltimore.

Weerarada dalka Maraykanka ka dhaca ayaa waxaa badanaa geysta rag, waxaana la sheegay in haweeneyda dilka geysatay ay si sharci ah u lahayd hubka ay u adeegsatay toogashada.

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar Arbacadii ka dhacay gobalka Pennsylvania, halkaasi oo nin hubeysan rasaas ooda uga qaaday dad badan oo ku sugnaa goob Maxkamada ah, booliiska ayaa toogasho ku dilay ninka weerarkaasi geystay oo lagu magacaabay Patrick Dowdell.

Isla maalinimadii Arbacadii ayaa weerar kale oo ka dhacay xarun ganacsi oo ku taal magaalada Madison ee gobalka Wisconsin, booliiska ayaa sidoo kale ninka weerarkaasi geystay toogasho ku dilay. Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhaawacmay weerarka ka dhacay gobalka Wisconsin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top