Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay In Aanay Aqoonsaneyn Baasaaboorka Soomaaliya Iyo Sababta

focus

Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay In Aanay Aqoonsaneyn Baasaaboorka Soomaaliya Iyo Sababta

(SLT-London)-Dawlada Ingiriiska ayaa sheegtay in aaney wakhtigan aqoonsaneen in dalkeeda lagu galo Passport-ka Soomaaliga ee dalka Soomaaliya.

Caroline Nokes oo ah wasiirka Socdaalka ee dalka Ingiriiska oo todobaadkan dhamaadey Su,aalo lagu weydiiyey aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa waxaa la weydiiyey su,aal aheyd sababta ay dawlada Uk dadka Soomaliga ah ugu ogolaan weyday in Passporta-ka Somaliya ay ku tagaan dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay in dalka Ingiriisku wakhti xaadirkan aqoonsaneen Passport-ka Somaliga waxaana ay ku jawaabtey Wasiiradu.

“Ingiriisku hada ma aqoonsana in Passport-ka Somaliga lagu socdaalo dalka Ingiriiska , hase yashee waxaanu hubinay talaabooyin lagu hubinaayo dadka sita Passporta Somaliga ah ee leh degenaasha sharciga ah ee isha Bu,deeda laga sawiroee UK loo ogol yahay inay ku soo laabtaan Ingiriiska”

Waxay wasiiradu sheegtay in qorshahan ay ku war galinayaan diyaaradaha iyo maraakiibta ay dadku raacaan.
“Waxaanu ku war galinay duulimaadyada Caalamiga ah hab macmiilkan waxaanan la wadaagnay xogtan bulshada Somalida ” ayey tidhi Caroline Nokes.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top