Connect with us

somalilandtoday.com

Sifo Hogaamineedka Madaxwayne Ku Xigeenka JSL. Q: Abdishakur Gande.

Articles

Sifo Hogaamineedka Madaxwayne Ku Xigeenka JSL. Q: Abdishakur Gande.

Udub dhexaadka Dalka .

Tiir nabadeedka Qaran.

Dhig dhismeed Dawlad.

-Mideeye umeddeed + Dhameeye Xaajo.

Tusmooyinkan tilmaamaya lama tagaanka aqal soomaaligu ku taagan yahay baa tusaale u ah tilmaamaha ugu qurxoon ee aynu ku tilmaami karno talo-samaha qaranka Somaliland. Habka aqal soomaaligu u dhisan yahay baa ah hab dhismeedka ugu haboon ee aynu hanaanka dhismaha dawladnimada ku hogo tusaalayn karno.

Dhig, Lool, Udub & agab badan oo dhismaha aqal soomaaliga lagama maarmaan u ah ayaa kakala yimaada ama laga sameeya “GEEDKA”. Sidokale geeduhu kala badan ee geedka ugu magnafaca fiican baa ah geedkaynu u naqaano “Gob” oo ah

geedka aynu ugu magaca darnay sifaha magac ahaan afkeena ugu qiimo badan oo ah “GOB”. Munaafacaadyada badan ee geedku leeyahay marka laga yimaado dhiska iyo quudashada ayaa waxa kamid ah ku nagaasha hadhka geedka oo umuuraha aynu u adeegsano kamid tahay wadaxaajoodka.
Sikaste ha ahaate waxaa sidaa ka dhigan oo taariikhda qaranimada Somaliland ku sifaysan Madaxwayne Ku Xgeenka JSL Mudane: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Eng. Saylici) oo mudo xileedkiisan lamada xili iyo kahor ba ku tilmaaman waxtar la taaban karo oo u taagan horumarka dalka iyo midnimada umada. Udub Dhismeedka Qaranka. Tiir nabadeedka dalka. Dhig dhexaadka dawladnimada.

Marar badan oo ay maanta oo kale kamid tahay waxa muuqata ama ka warqabnaa in Madaxwayne Kuxigeenka JSL deddaal badan kadib madasha ku mideeyo madaxda qarankeena oo xiliyadii xisbiyada ama wakhtiyada siyaasada ku yara kala fogaaday aragtiyaha guud. Sidokale, waxayn u ka warqabnaa kaalintii laxaadka lahayd ee uu ka qaatay Nabadayntii Ceel-Afwayn iyo soo afjaridii colaadihii jiitame u dhaxeeyay beelaha walaalaha ah muddada dheer kuwaaso sidii ugu wacnaa ugu dhamaaday.

Abdishakur Gande

634200882. 634454882

Gandeabdishakur@gmail.com

Borama, Awdal Somaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top