Connect with us

somalilandtoday.com

Shaqo Mise Shaxaad. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Articles

Shaqo Mise Shaxaad. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Wixii ka dambeeyey markii ay Soomaalidu dawladnimada qaadatay, waxa saaxada siyaasadda soo galay siyaasiyiintii uu soo tababaray gumeysigii dalka haystay. Siyaasiyiintaasi waxa ay ka soo aflaxeen dugsiyadii iyo shaqooyinkii uu baray gumeysigii dalka ka kacay. Markii ay xukunkii la wareegeen ee laga filayey inay isbedel horseedaan ayey halkiisii ka sii wadeen dhaqankii gumeysigu dalka keenay, dabadeed shacabkii Soomaalida ahaa ayaa ku suntay naanays caan noqotay oo ahayd” French Man with black face” waa gaal wejigiisuu madow yahay, balse maaha nin keenay wax ka duwan wixii gaalku keenay. Malahayga waxa is idhi siyaasiyiinta Soomaalida waxa ku keenay inay shaqada isku caayaan waa cusaybka aynu ku cusub nahay dawladnnimada. Shaqadu waa sharaf.

iyo karaamo adduunyo, ma-shaqaystuhuna waa bilaa karaamo iyo bilaa sharaf.
Shaqooyinka ay Siyaasiyiinta soomaalidu isku caayaan ayaan ururiyey waxoogaa kooban oo hoos ku qoray:

Basle ayuu ahaa
Xaaska Madaxweynaha ayey dharka u soo iibin jirtay
Xabxab ayuu ku iibin jiray
Dabaakh ayuu ka ahaa Ingiriiska
Rayiisle ayuu haysan jiray
Wuxuu ahaa askari
Xeriyihii qoxoontiga ayuu ku soo koray
Aabihii ayaa biyoole ahaa
Farsamaqayaan talaajadaha sameeya ayuu ahaa
Bakhaar daqiiqda lagu keydiyo ayuu iibiye ka ahaa
Malcaamad ayuu ku haystay meel heblaayo
Ededii ayaa tababar noogu keentay
Markaan jaamacad dhigan jiray ayuu shaaha naga iibin jiray
Baabuur jaadle ah ayuu dirawal ka ahaa
Madaxtooyada ayuu basaas u ahaa
Madarasad ayaan ka soo kaxeeyey
Koontarabaanka ayuu ka ganacsan jiray
Iskuul ayuu waashmaan ka ahaa
Wasiirka ayuu xanta suuqa u soo ururin jiray
Shalay ayuu furinka naga iibin jiray
Moorgan ayuu basaas u ahaa
Deyrka wasaaradda ayuu jaad ku iibin jiray
Xamaaliintii dekeda muqdisho ayuu ahaa
Ingiriiska ayuu mefrish qaad ku lahaa
Hudheel Nayroobi ku yaala ayuu khasnaji ka ahaa
Jaamac-harakoole ayaa la odhan jiray
Car washayuu Hayadaasi u ahaa
Caanoole ayuu ahaa
Waa xoolo-dhaqato
Dalaayadaha ayuu kirayn jiray
Marwada Madaxweynaha ayey sallada u qaadi jirtay
Shirkad dharka dumarka samaysa ayuu ka shaqayn jiray
Goob dadka da’da ah lagu xannaaneeyo ayuu dharka u maydhi jiray
Suuliyada Maraykanka ayuu nadiifin jiray
Faras magaalaha ayuu gallay ku Karin jiray
Macmacaanle ayuu iibin jiray
Isaga oo beer qoto ayaa naloo keenay
Is-biirtada ayuu ka ganacsan jiray
Cadayle ayuu ahaan jiray
Hudheel Kanada ku yaalla ayuu masaxi jiray
Xero Doofaarka lagu xannaaneeyo ayuu ilaaliye ka ahaa
Iswiidhan ayuu baabuurta ku masaxi jiray
Gacan-yare ayuu ii ahaan jiray
Mooyihiisa ayuu xaaraan ku tuntaa
Furaha Bakhaarada madaxtooyada ayuu hayn jiray
Madaxweynaha ayuu dabaakh u ahaa

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top