Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Uu Dhalay Marxuun Madaxweyne Cigaal Oo Dhul Ku Haysta Ganacsato Reer Berbera Ah + Cabirka Dhulka Iyo Halka Uu Ku Yaallo

focus

Wiil Uu Dhalay Marxuun Madaxweyne Cigaal Oo Dhul Ku Haysta Ganacsato Reer Berbera Ah + Cabirka Dhulka Iyo Halka Uu Ku Yaallo

(SLT-Hargeysa)-Wiil uu dhalay Madaxweynihii labaad ee Somaliland marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa isaga oo ka faa’iidaysanaya magaca aabbihii waxa uu dhul ay leeyihiin ku qabsaday ganacsato reer Berbera ah.

Dhulkan oo ku yaalla magaalada Berbera gaar ahaan eeriyadda xabaashada Aabahii lagu aasay ayaa waxa uu cabirkiisu yahay 600X600 oo mitir, waxaana la sheegay in 40X40 uu leeyahay Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal inta kalena waxa leh rag ganacsato ah oo lagu magacaabo Farxaan Xaaji Cali Axmed, Ilma Ciise Siciid iyo Xuseen Ciid.

Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo mar kala duwan ay dad isku qabsadeen dhul ayaa waxa uu doonayaan dhul-boonimo cad iyo in uu si xoog ku qaado dhulkan waxaana guul-darraystay dadaalo la doonayay in lagu kala furdaamo isaga iyo raggan uu dhulku haysto balse waxa mar kasta ku gacan-saydhay Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaana uu u hogaansami waayay dacwado kala duwan oo laga gudbiyay loona gudbiyay hay’adaha ay khusayso ee dawladda hoose iyo maxkamaddaha dalka iyaga oo fulin buuxda loo soo qoray ganacsatada iyo Dadka asal aah u leh  iska leh dhulkan ee Farxaan Xaaji Cali Axmed, Ilma Ciise Siciid iyo Xuseen Ciid.

Guddiga ka garniqista dacwadaha dhulka ee Berbera iyo maxkamadda gobolka Saaxil oo saddex bilood ka hor loo gudbiyay dacwadaha dhulkan ayaa go’aamo ka saaray waxana ay cadaatay in uu mulkiyada dhulku uu leeyahay ganacsade Farxaan Xaaji Cali Axmed.

Dhalinyaro dablay ah oo uu adeegsanayo Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa weerar ku qaaday dhismayaal iyo dayrar laga waday dhulkan ay fulintu ku soo baxday waxaana ay burburiyeen dhismihii gacanta lagu hayay balse ciidammada booliska magaalada Berbera ayaa xidh-xidhay oo xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah dhallinyaradaasi waxaanay ay sheegeen in ganacsatada dhulkan iska leh ay sharciyo dhammaystiran u haystaan dhulkooda.

Taliyaha booliska Berbera Amiin oo warbaahinta kula hadlay goobta ay hawshani ka dhcday ayaa waxa uu ka warramay sida ay wax u dhaceen waxaanu yidhi “burburkan aaad arkaysaan waxa si lama filaan ah u burburiyay dhalinyaro uu wato Kalan-diid, sabab la’aan ayay u burburiyeen waxaanu ka qaadnay tallaabo sharci ah, dhulkan waxa sifo sharci ah u leh nin maalqabeen ah oo ka mid ah ganacsatada reer Somaliland, tallaabo ayaanu ka qaadnay isaga iyo dadkii uu watayna way xidhan yihiin, shan nin ayaa xidhan iyo hoggaamiyhii watay oo kalan-diid ah”

Taliye aamiin oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ciidammada boolisku ay ka shaqeeyaan aminiga oo ay shaqo ku lahaayeen, balse waxa uu sheegay inay ku xisaabtamaan sharciga lahaanshiyaha ee ay dawladda hoose u keento waxaanu yidhi “Annagu amni ahaan iyo boolis ahaan waxa aanu ku shaqaynaa dhulka shaqo kuma lihin laakiin sharciga ay dawladda hoose noo keento amma maxkamaadu noo keento ayaanu ku shaqaynaa, tallaabo ayaanu ka qaadaynaa kama ogolin maalin walba inan yar oo meel istaaga oo burburiya oo khalad sameeya kama ogolin ee tallaabo sharci ah ayaanu ka qaadaynaa oo sharciga ayaanu horgaynaynaa” ayuu yiddhi

Taliye oo warbaahintu wax ka waydiisay cidda leh dhulkan ee sharciga u haysta iyo cidda ku haysta ee doonaysa inay xoogga ku qaadato ayaa waxa uu yidhi “Mulkiilaha halkan leh ee sharciga u haysta sidda ku qoran dhukmantiga waa Farxaan Xaaji Cali Axmed ayaa leh oo sharciga u haysta” ayuu yidhi

Guddoomiyaha guddiga ka garniqista dacwadaha dhulka Garyaqaan Maxamuud Ducaale oo warbaahintu wax ka waydiisay arrintan ayaa yidhi “dhulkan annaga dacwadiisu waxa ay na soo gashay muddo dhawr bilood laga joogo waxa noo soo dacwooday Farxaan Xaaji Cali Axmed iyo qolyo kale waxa ay ka dacwoonayeen ilma Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, dhinacii laga dacwoonayay waanu u yeedhnay may iman oo yeedhmadayadii kumay iman, baafin ayaanu samaynay sidda sharcigu yahay Radio Hargeysa in badan ayaa laga sii daynayay iyo Wargeysayada ayaa lagu qoray oo maxkamadu uga yeedhay muddo 45 maalmood ah ayay arrintaasi si joogto ah ugu socotay warbaahinta, sharcigu waxa uu fasaxayaan in dhinicii kale la qanciyo oo la ogolaado in dacwadii la furo, dacwadii waa la furay, hal dhinac ayaa dcwadii ka qayb-galay guddiga waxa la horkeenay dhukmantiyo iyo caddaymo ay ku qanceen guddigu waxa ay ka soo saareen xukun, xukunka soo baxaa baadilna wuu noqdaa saxna wuu noqdaa laakiin dhinaca kale waxa u furan inay racfaan qaataan xataa haddii aanay ka qayb-galin dacwadda muddo bil ah guddaheed, taasina may dhicin oo may qaadan racfaankii oo way iska dhaga-mareen, qoladii kale waxa uu sharcigu siinayaan bil ka dib inay maxkamadda gobolku u samayso fulin, xafiiska ayay soo waydiisteen in maxkamadda gobolka loogu gudbiyo fulintii waa loogu gudbiyay, Maxkamadda gobolku waxa ay mar kale yeedhmo u samaysay dhinicii la dacwaynayay, dhinacaasi maxkamadda laftigeeda uma iman saddex goor ayay qaraaro digniin ahi ka soo baxeen umay iman maxkamadduna waxa ay soo saartay fulin xooggan taas ayaanu sharcigu fulinayaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha guddiga ka garniqista dacwadaha dhulka Garyaqaan Maxamuud Ducaale

Maaha markii ugu horraysay ee Wiil uu dhalay Madaxweynihii labaad ee Somaliland marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ay dhul isku qabsadaan dad kale.

Dhinaca kale Cali Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa dadka reer Barbara intooda badani kala kulantaa dhul qabsi sidda ay sheegeen masuuliyiintani waxaanay sheegeen dadku in uu ugu faa,idaysanayo Magacii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,

Marar hore ayaa siddan oo kale waxaa warbaahinta lagu arkay isaga oo cid dhul ku haysta

Halkan Hoose ka Daawo go,aamada ka garnaqista dhulkaasi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top