Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxaannu Ballan-qaadaynaa Hirgelinta Dhammaan Tallooyinka Na Loo Jeediyey” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland

focus

“Waxaannu Ballan-qaadaynaa Hirgelinta Dhammaan Tallooyinka Na Loo Jeediyey” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali ayaa soo xidhay kulan lagaga xaajoonayey xal u helida caqabadaha hortaagan helitaanka adeeg caddaalad ah iyo hirgelinta garsoor hufan oo dalka ka hano qaada, waxaana kulankaasi laga soo saaray tallooyin muhiim ah.

Garsoorayaal, garyaqaano, saraakiisha dawladda, aqoonyahano iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka doodayey helitaanka arrimaha caddaaladda, sababaha asaasiga ah, caqabadaha hor yaalla garsoorka iyo xal u helidooda, ayaa soo bandhigay tallooyin wax ka tari doona hagaajinta nidaamka caddaaladda dalka.
Kulankan oo ay ka soo baxeen tallooyin wax ku ool ah, ayaa la filayaa in ururka xuquuqda aadanaha ee (HRC Somaliland) isku soo dubarido, dhowaan warbixin ku saabsan ka soo saari doono, siduu sheegay gudoomiyahooda Guuleed Axmed Jaamac (Dalfac).
Gudoomiyaha maxkamadda sare, ahna gudoomiyaha guddiga caddaaladda Prof. Aadan Xaaji Cali oo gebagebadii kulankaasi hadal ka jeediyay, ayaa ballanqaaday inay sii kordhin doonaan aqoonta dhamaan bahda garsoorka jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan is-faham la gaadhnay todoba jaamacood, si sare loogu qaado aqoonta bahda garsoorka. Waxa noo qorshaysan in shanta sannadood ee soo socda (insha alaah) in la waayo hawlwadeen garsoor aan aqoon lahayn.”
Prof. Aadan Xaaji Cali waxa uu faahfaahin ka bixiyey kaalinta haweenku kaga jiraan hawlwadeenada garsoorka, waxaanu yidhi, “Waxaannu kordhinay boqolkiiba 70% saamiga haweenka ee garsoorka. Baddi qeybaha maxkamadda sare waxa hoggaamiya haween, waxaannu sidoo kale ku soo kordhin doonaa dhalinyarada hawlkarka ah.
Dhinaca kaabayaasha, waanu kobcin doona, xilligan waxa socda dhismaha maxkamada racfaanka ee Hargeysa.”
Gudoomiyaha maxkamadda sare Prof. Aadan ayaa shaaciyey inay diyaar u yihiin horumar ay ku sameeyaan shaqooyinka ay bulshada u qabtaan, waxaanu yidhi, “Waxaannu diyaar u nahay in aanu ka mid noqono wada-hadalka caalamiga ah ee caddaaladda, diyaar uma nihin in aynu cidla taagnaano. Waxaan ballanqaadaynaa hay’ad garsoor ahaan, inaan hirgelino, dhamaan arrimaha naloo soo jeediyey. Aduunka wax dhamaytiran ma jiro, waa muhiim hagaajin, iyo inaad ogaato cilladahaaga.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top