Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Pakistan Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

focus

Raysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Pakistan Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

(SLT-Pakistan)-Raysal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Nawaz Sharif ayaa xabsiga laga sii daayay ,kadib markii uu laba bilood ka qaatay toban sano oo xabsi ah oo horay loogu xukumay.

Maxkamadda ayaa tuurtay xukunka Mr Sharif iyo gabadhiisa Maryam oo bishii July la xukumay, wax yar un ka hor inta aysan waddanka ka dhicin doorashada guud.

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii ay racfaan ka qaateen xukunkii horay loogu riday oo ay iska fogeeyeen in ay galeen wax dambi ah oo ku saabsan musuq-maasuqa.

Sidoo kale go’aankan ayaa ku soo beegmay toddobaad un kadib markii afada Mr Sharif Kulsoom Nawaz ay u dhimatay cudurka kansarka.

Waxaa loo ogolaaday in ay ka qeybqaataan duugteeda oo xabsiga ayaa laga soo saaray balse dib ayaa logu celiyay xabsiga markii ay dhamaatay duugta.

Muxuu ku saabsanaa kiiskaan?

Mr Sharif ayaa lagu soo eedeyay musuqmaasuq la xiriira afar guri oo uu ka iibsaday bartamaha magaalada London.

Waxa uu leeyhayay edeeymahaasi waa kuwa siyaasadeysan.

Gabadhiisa Maryam Nawaz Sharif, ayaa lagu xukumay 7 sano iyo hal sano oo dheeraad ah kadib markii ay diiday in ay amarka dowladda qaadato halka wiilka uu sodogga u yahay Safdar Awan isagana lagu xukumay hal sano oo xariga ah.

Saddex doooduba xukunkooda waxaa maanta tuurtay maxkamadda sare ee Islamabad kadib markii racfankooda la dhageystay.

Kiiskaan lagu qaaday Nawaz Sharif ayaa waxaa uu kala qeybiyay fikradaha reer Pakistan, waxaa sidaasi sheegay weriyaha BBC-da Secunder Kermani.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top