Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqbalay Mooshin Laga Gudbiyey Raysal Wasaare Khayre

focus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqbalay Mooshin Laga Gudbiyey Raysal Wasaare Khayre

(SLT-Muqdisho)-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyey mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.


Mooshinkaan ayaa ah mid loogu yeedhayo Ra’isulwasaaraha si wax looga waydiiyo Su’aalo ku saabsan Amniga Muqdisho maadaama seddexdii Maalin ee ugu dambeysay ay socotay dood culus oo uu dhaxeeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya loogana hadlay Amniga Magaalada Muqdisho oo lagu tilmaamay inuu yahay mid faraha ka baxay.

Inta la xaqiijiyey illaa 23 Xildhibaan ayaa saxiixday Mooshinka lagu dalbanayo inuu Ra’iisul Wasaaraha uu horyimaado Baarlamaanka, waxaana gacanta laga saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal.
Sida ay xaqiijinayaan illo wareedyo lagu kalsoonaan karo Xildhibaanada Mooshinka gudbiyey ayaa dalbaday in la siiyo waqti ay kaga soo baaraan dagaan oo loogu soo daro soo jeedintaas ajandaha Baarlamaanka.

Qodobka 72-aad ee Xeer hoosaadka Golaha shacabka ayaa qabo in 10 Xildhibaan soo jeedin karaan u yeerid Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo aan cod loo qaadin.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan uu Guddiyada difaacaiyo amniga gudaha ee Golaha shacabka Soomaaliya ku amray in ay Golaha horkeenaan warbixin ku saabsan amaanka dalka.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii la soo gaba qabeeyay dood ku saabsaneyd amaanka Muqdisho oo ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay lahaayeen Golaha shacabka Soomaaliya.

50 XIldhibaan oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay khudbado amaanka ku saabsanaa ka jeediyay Golaha shacabka ayaa eedeyn dusha uga tuuray Xukuumadda Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Xubno ka mid ah Labada Guddi ee loo diray Warbixinta oo ka mid ahaa kuwii khudbadaha ka qeybqaatay ayaa Guddoonka laftiisa ku dhaliilay in isaga oo aan iyaga weydiin warbixinnada ay hayaan uu goluhu u fasaxay in ay ka hadlaan amaanka Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top