Connect with us

somalilandtoday.com

Guddiga Doorashada Dalka Congo Oo Ansixiyay Musharaxiin 21 Gaadhaya

focus

Guddiga Doorashada Dalka Congo Oo Ansixiyay Musharaxiin 21 Gaadhaya

(SLT-Congo)-Guddiga doorashooyinka ee dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ayaa shaaciyay tirada musharixiinta ku tartami doona doorashada madax-tinnimada ee muddada dheer la sugayay.

Ilaa 25 musharax oo doonayay in ay u tartamaan doorashadan ayaa codsiyadooda u gudbiyay golahani basle 21 musharax oo kaliya ayaa codsiyadooda la aqbalay halka afarna la diiday.

Wax weyn oo lala yaabo ma ahan in gudiga doorashooyinka ee Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo uu si rasmi ah u ansixiyo 21 murashax oo u taagan doorashada lagu wado inay qabsoonto bisha Disember ee sanadkan.

Murashaxiintaan ayaa waxaa ka mid ah Emmanuel Ramazani Shadary oo uu wato madaxweyne Joseph Kabila iyo musharaxa mucaaradka Felix Tshisekedi iyo Vital Kamerhe.

Labada hogaamiye ee ugu cad cad mucaaradka Congo Jean Pierre Bemba iyo Moise Katumbi ayaa laga mamnuucay inay qeyb ka noqdaan tartanka doorasho.

Cid walba haatan waxa ay sugeysaa inay aragto haddii mucaaradka la kala dhantaalay ay awoodi doonaan inay ku daba saftaan hal musharax sida ay horey u sheegeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top