Connect with us

somalilandtoday.com

Qandaraaskii Qaraabo Kiilka Ahayd Ee Ilaacadda Radio Hargaysa Uu Maxamed Xaashi Xigtadiisa Ku Siiyay Iyo Wixii Kala Qabsaday Inamadii Shaqada U Doontay.

Articles

Qandaraaskii Qaraabo Kiilka Ahayd Ee Ilaacadda Radio Hargaysa Uu Maxamed Xaashi Xigtadiisa Ku Siiyay Iyo Wixii Kala Qabsaday Inamadii Shaqada U Doontay.

Berigii uu ahaa Wasiirka maaliyadda Mohamed Hashi Elmi waxa uu dadwaynaha la kulmi jiray maalinta Salaasada, laba nin oo reer Hargeisa ah ayaa xafiiskiisa ugu tagay waxayna hordhigeen liis ka koban shaqaale iyo agaasimayaal wasaaraddiisa uu qoray oo reerkiisa u badan waxayna ku yidhaahdeen “dadkii kale maxaad u qori wayday?”. Isna wuxuu ugu jawaabay “ma Ciidagale ayaad tihiin kuwaas ayuun baan waxaas ka sheekeeyee?”. iyagina waxay ugu jawaabeen “may Arab baanu nahay”.

Markaas ayuu sheekadii beddelay oo uu ku yidhi “adeer dadkani xoolo ummadeed ayaa loo dhiibay, mushaharkooduna kuma filna markaas. Kollay gacantu way kaga dhacaysaa oo waxay cunayaan waa Naare ee

waxba ha eegina”. Labadii nin mid ka mid ah ayaa ku yidhi “bal naartii baad qeybin kari la”adahaye oo aad reerkiinnii ka buuxisee haddii Janno laguu dhiibo maxaad yeeli laheyd sow dadka kale oo dhan kamaad ilaaliseen?”.
Isaga oo Wasiirka Maaliyadda ah ayay soo baxeen toddoba shaqo oo haayado ay mushaharka ka caawinayaan Wasaaradda Maaliyadda. Inta uu dhallinyaradii xaafadda la shiray ayuu yidhi “Ma dhib baa haddii aan idinka 5 kursi idin siiyo, dadka kale ee Somalilandna aan 2 siiyo?”. Waa fal tusaale u ah xaqsoorkiisa, sida uu sinnaanta u arko iyo sida tolnimadu dhuuxiisa u raacday.

Idaacada cusub ee raadio Hargeisa markii la soo iibinyay wuxuu siiyay qandaraaska laba inan oo reer gadiid ah, waxay soo qorteen 500,000 USD markaas ayuu madaxweynaha u geeyay oo u ku yidhi madaxweyne shaqo fiican bay qabteen 50,000 ugu dar siddiibaana loogu daray.

Waxa lagu xasuustaa in wiil uu adeer u yahay oo xaaskiisu dhashay iyo ooridiisa siiyay qandaraaska mishiinnada kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo ku kacay ku dhawaad $400,000. Waxa uu khasnadda gurmadka degdegga ah ee dawladda ka saaray hal milyan oo doollar, waa sababta lagu eryayay xisaabiyihii ka horreeyay Bade, oo fududeeyay. Madaxweynaha oo qudha ayaa halkaas wax ka saari kara. Sidii uu hanta-dhawre yahay ayuu wasiir la siman ku yidhi “Tuug baad tahay” waxa la fadhiyay golaha wasiirrada.

Waa ninkii tiray kabkii naafada qaranka ee Wasaaradda Gaashaandhigga “Kuwan ma aha in lacagi ku baxdo” ayuu yidhi. Halhaysyada caanka ah waxa ka mid ah “Soomaali Isaaq ayaa u sarreeya. Isaaqna Sacad Muuse ayaa u sarreeya”. Sidii uu u waday dhimsha waddada 150ka ayay soo gaadhay Maansoor. Halkaas ayaa lagu joojiyay.

Maxamed Xaashi Cilmi waxa lagu xasuusan doonaa daba-galkii Cigaal, hafarkii Rayaale, Wanjalkii Siilaanyo iyo sida fiican ee uu sacabka ugu tumay Muuse Biixi Cabdi.

Faygarkii : Faisal Abdi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top