Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Shiinaha Ku Soo Rogaya Canshuurtii Ugu Badneyd

focus

Mareykanka Oo Shiinaha Ku Soo Rogaya Canshuurtii Ugu Badneyd

(SLT-Beijing)-Mareykanka ayaa waxa uu canshuur cusub oo gaaraysa $200bn ku soo rogayaa alaabaha Shiinaha uu u soo dhoofiyo, arrintaas oo sii kordhinaysa dagaalka dhanka ganacsiga ah ee kala dhaxeeya Beijing.

Canshuurahan ayaa waxaa laga qaadi doonaa ku dhawaad 6,000 oo shay, taasna waxa ay ka dhigaysaa canshuurihii ugu badnaa ee uu Mareykanku soo rogo.

Boorsooyinka xaragada ee gacmaha lagu qaato, bariiska iyo dharka ayaa ka mid noqon doona waxyaabaha canshuurta lagu soo rogayo, hasayeeshee waxaa la filayaa in bartilmaameedkan cusub aanan lagu dari doonin qaar ka mid ah badeecaha sida saacadaha casriga ah iyo kuraasta heerka sare.

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa waxa ay sheegtay in aysan haysan fursad kale inay si adag kaga jawaabto ma ogiyee.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay rajaynaysay in Mareykanku uu hab dhaqankiisa toosin doono, hasayeeshee wasaaraddu ma aanay sheegin waxa ay noqon doonaan tallaabooyinka ay qaadi doonto.

Canshuuraha Mareykanka ayaa waxa ay dhaqangeli doonaan 24 bisha Sibteembar, waxa ayna ku bilaaban doonaan 10% ilaa laga gaarsiiyo 25% laga bilaabo sanadka soo socda waa haddii aanay labada dal xal ka gaarin arrimaha taagan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu sheegay in canshuurahan ugu dambeeyay ay jawaab u yihiin ‘falalka cadaaladdarada ah ee ganacsiga’ ee Shiinaha.

“Isbadelka aannu doonayno in la sameeyo waa uu cadaa, Shiinahana waxaannu siinnay fursadkasta oo uu si cadaalad ah inoola dhaqmi karo. Hasayeeshee Shiinuhu ilaa iyo haatan wuu ka cagajiidayaa inuu falalkiisa badelo.” ayuu yiri.

Mr Trump ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in haddii uu Shiinaha uu qaado tallaabooyin uu ku aargoosanaayo markaas Mareykanku waa inuu “durbadiiba bilaabaa wajiga saddexaad” oo uu canshuuro dheeraad ah oo gaaraya $267bn uu ku soo rogaa alaabaha Shiinaha uu u soo dhoofiyo.

Tallaabo noocaasi ahna waxa ay ka dhigan tahay in ku dhawaad dhammaan alaabaha uu Shiinaha u dhoofiyo Mareykanka la dul saari doono canshuuro cusub.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top