Connect with us

somalilandtoday.com

DAAWO: “Xeerkan Kufsigu Waa Gaalnimo Mana Aqbalayno” Xisbiyada Qaranka Somaliland Oo Si Cad Uga Soo Horjeesteen Xeerka Kufsiga Ee Madaxweynuhu Dhaqan-Galiyay

focus

DAAWO: “Xeerkan Kufsigu Waa Gaalnimo Mana Aqbalayno” Xisbiyada Qaranka Somaliland Oo Si Cad Uga Soo Horjeesteen Xeerka Kufsiga Ee Madaxweynuhu Dhaqan-Galiyay

(SLT-Hargeysa)-Xisbiyada qaranka Somaliland oo maanta shir jar’id si wada jir ah ugu qabtay magaalada Hargeysa waxay si cad uga soo horjeesteen xeerka kufsiga oo uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dhawaan saxeexay isla markaasina faafinta rasmiga ah galay.

Xisbiyadu waxay si wada jir ah u sheegeen in xeerkan madaxweyne Muuse saxeexay uu yahay mid sharci-darro ah, isla markaasina uu baal marsan yahay – xisbiyadani (Kulmiye, Ucid, iyo Waddani) waxay sidoo kale sheegeen in xeerkan uu baal marsan yahay shareecada islaamka madaxweynaha looga baahan yahay in uu dib u buriyo xeerkaasi.

Jaamac Shabeel guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka Somalilanad oo isagu xeerkani ka hadlay ayaa yidhi “…ummad yahay, leydinkuma dhaqi karo (xeerkan), waa gaalnimo, ninka gaalnimo soo waaridaana isaga ayay u taalaa, isaga iyo Illaahay ayaanu isku deynaynaa,”

Jaamac Shabeel sidoo kale waxa uu tilmaamay in xeerkani kufsiga ee golaha baarlamaanku dhawaan ansixiyeen madaxweynuhu saxeexay uu ka xun yahay xeerkii qoyska ee dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top