Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramada Midoobey Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Baadhitaan La Xidhiidha Tacadiyada Loo Geysto Rohingya

focus

Qaramada Midoobey Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Baadhitaan La Xidhiidha Tacadiyada Loo Geysto Rohingya

(SLT-Myanmar)-Qaramada Midoobey ayaa si rasmiyan shaacisay warbixin qoraal ah oo ay ka diyaarisay baaritaanno ay ku sameysay tacaddiyo dhanka bani’aadanimada ahi oo ka dhacay dalka Myanmar.

Warbixintan oo ay diyaariyeen baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa muujineysa caddeymo ah in dowladda Myanmar ay geysatay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo xaquuq ka dhanka dadyowga Muslimiinta ahi ee qowmiyadda Rohinja iyo qowmiyadaha kale ee laga tirada badan yahay.

Laba usbuuc ka hor ayaa Qaramada Midoobey waxa ay soo bandhig tahay warbixin horudhac ah oo ay ku shaacisay magacyada shakhsiyaad ka tirsan milatariga Myanmar oo la sheegay in ay mas’uul ka yihiin gabood fallada ka dhanka ahi dadka Rohijaha.

Waxaan ogaanay dhab ahaantii in hay’adda Qaramada Midoobay ay cadeymo buuxdo u heshay dambiyada dagaal,dambiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyo xasuuqa ka dhacay Myanmar.

Warbixinta Qaramada Midoobay oo ka kooban 444 bog ayaa soo bandhigtay cadeymo faahfaahsan oo la xiriira dhamaan tacadiyadii la geystay.

Warbixinta oo qeybta looga hadlay xasuuqa ay aad u balaarneyd ayaa lagu sheegay in ay jireen dadaalo lagu baabi’inayay qowmiyada Rohinja, laguna gubay tuulooyin badan, oo lagu soo qabqabtay dad badan oo Rohinja ah laguna laayay.

Rabshadaha lagula kacay dumarka oo si gaar ah looga argagaxo ayaa waxaa ka mid ah kufsi, tooreyn iyo xitaa in wajiyada laga qaniinay taasi oo noqotay cadeymo muuqdo oo ku saabsan tacadiyadii lagula kacay.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in warbixintooda ay ku ogaadeen inuu jiray olole ku talagal ah oo lagu laynayay dadka Myanmar oo milatariga xukuumadu geysanayeen, iyaga oo xusay magacyada qaar ka mid ah saraakiisha, kuna baaqay in loo gudbiyo maxkamada dambiyada caalamiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top