Connect with us

somalilandtoday.com

Masuul Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Digniin U Diray Dadka Musuq Maasuqa Ku Dhaliila Madaxweyne Siilaanyo

focus

Masuul Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Digniin U Diray Dadka Musuq Maasuqa Ku Dhaliila Madaxweyne Siilaanyo

(SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Axmed Xinif ayaa digniin u diray dadka dhaliila madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Gudoomiye Cabdikariin Xinif oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inaanu wax musuq maasuq ah samayn madaxweynihii hore, isaga oo ku hanjabay haddii la sii wado wado dhaliilaha loo jeedinayo uu isaguna soo bandhigi doono xubno kale oo musuq gaystay.

Fariinta gudoomiye Cabdikariin Xinif ayaa u dhignayd sidan “Waar hoy raggan waaweynow ciddii kale ee aad eryanaysaan ama wax ka sheegaysaan waa yeelkiin, Laakiin SIILAANYO iskaga hadha, haddii kale wallaahi nin walba kitaabkiisa ayaan anigu soo faqayaa oo dabagelayaa.
Odayga halla nabad geliyo ciddii kale ee aad daba gelaysaan idinkala hadli maayo.

Waar siilaanyo waxba muu musuqmaasuqin, kuwa siilaanyo ka hadlayow nin walowba waxaad qaadday iyo waxaad cid u qaraabo kiishayba waa laguu hayaa iyadoo qoran.

Hadalkayga kuwii eegan jirey siday doonaan ha u dhigaan, Hadda wixii ka danbeeya rag waaweyn ayaan juuq dhawrayaa”

Dhawaan ayay ahayd markii ay wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi iyo wasiirka gaadiidka Cabdillahi Abokor Cismaan oo ay isku deegaan yihiin madaxweyne Muuse Biixi Cabdi musuq-maasuq ku eedeeyeen xukuumadda uu hoggaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top