Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyeyaasha Dalalka Jabuuti Iyo Eritrea Oo Wada-hadal Rasmi Ah Ku Yeelanaya Sucuudiga

focus

Hoggaamiyeyaasha Dalalka Jabuuti Iyo Eritrea Oo Wada-hadal Rasmi Ah Ku Yeelanaya Sucuudiga

(SLT-Jeddah)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay galinkii dambe gaadhay magaalada Jeddah ee caasimada dalka Sucuudiga wax yar ka dib markii ay heshiis nabadeed ku kala saxeexdeen Madaxweynaha dalka Eritrea iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya.

Hore looma sii sheegin safarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku tagay dalka Sucuudiga balse waxa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa la filayaa in uu wada-hadal rasmi ah la yeesho dhiggiisa dalka Eritrea, waxaanu wada-hadalkani bilow u yahay heshiisyo nabadeed oo labada dalka colaadu ka dhaxaysay kala saxeexdeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top