Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland Oo Bishii $22,000 Dollar Ku Kharash Gareynaysa Shirkad Ka Caawinaysa Xidhiidh Ay La Yeelato Dawladda Mareykanka Iyo Mad-Madowga Ku Jira Heshiisyo Ay Hore Shirkaddu Ula Gashay Somaliland

focus

Xukuumadda Somaliland Oo Bishii $22,000 Dollar Ku Kharash Gareynaysa Shirkad Ka Caawinaysa Xidhiidh Ay La Yeelato Dawladda Mareykanka Iyo Mad-Madowga Ku Jira Heshiisyo Ay Hore Shirkaddu Ula Gashay Somaliland

Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi oo Hore Heshiis ula Saxeexay Shirkadda GPG, Ayaa La Qorsheeyey in Bishii Shirkadda La Siiyo Lacag Gaadheysa $90,000 Dollar iyo Wasiir Sacad oo Dib Heshiis ula Bilaabay Shirkaddaas

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa dib u cusbooneysiisay heshiis Xukuumaddii hore la gashay shirkadda Glover Park Group oo Somaliland ugu diiwaan-gashaneyd in ay kala shaqeyso ka talo siinta xidhiidhada iyo wada-hadal laba geesood ah oo ay Somaliland la yeelato dawladda Mareykanka.

Shirkadda Glover Park Group oo ah shirkad Mareykan ah isla mar ahaantaana ay hore u aas-aaseen saraakiisha magacyadoodu kala yihiin Carter Eskew, Michael Feldman, Joe Lockhart iyo Chip Smith, kuwaas oo hore u ahaa saraakiil ka tirsan aqalka cad ee Mareykanka waxa ay samaysa ololeyaal iyo isku xidho dhanka xidhiidhka dawladaha ah iyo hawlgallo kala duwan oo kale.

Warbixinta lagu baahiyey Warbaahinta odwyerpr, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dib u cusbooneysiisay isla mar ahaantaana ay heshiis la gashay shirkadda ka talinta dhinaca isku xidhka iyo arrimaha dawladaha ee GPG oo heshiis uu saxeexay wasiirkii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi kula jirtay Somaliland, waxaana si la mid ah heshiiskaa hore lagu sheegay Warbixintan in shirkaddaasi ay Xukuumadda cusub ee Muuse Biixi ay kala talin doonto isku xidhka iyo xidhiidhada Somaliland iyo Mareykanka, gaar ahaan siddii ay Somaliland ugu meteli lahayd dalka Mareykanka.

Sida Warbixintu sheegtay, waxa ay tilmaamaysaa in shirkadda GPG oo hawl-galkeeda shaqo dib u bilaabaysa isla bishan aynu ku jirno ee September, ay dawladda Somaliland bil kasta siin doonto $22,000 dollar si ay magaca Somaliland u gaadhsiiso uga na iibiso meelo badan oo dalka Mareykanka ah. Waxaana xusid mudan in heshiiskii ay shirkaddu kula jirtay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo na uu ku kici jiray lacag dhan $22,500 (Laba iyo Labbaatan Kun iyo Shan Boqol oo Dollar), iyada oo haddii shaqada shirkaddaasi ay fiicnaato hore loo qorsheeyey in dhaqaalaha bil kasta la siinayaa uu noqdo $90,000(Sagaashan Kun oo Dollar) bishii.

Shirkaddan GPG, ayaa Somaliland heshiis kula jirtay tan iyo sannadkii hore, iyada oo dhaqaalaha ku bixi jiray na uu ahaa mid bishii dhan $22,500 balse waxa xusid iyo is weydiin ba mudan shirkadda oo aan la arkin dhaq-dhaqaaqyo khuseeya Somaliland oo ay ka wado gudaha dalka Mareykanka, waxaana muddooyinkii dambe aad loogga deyrinaayey siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top