Connect with us

somalilandtoday.com

Xamar imisa Baarlamaan ayaa is bedelay, muddada ay inna horjoogeen goleheenna wakiilladu?….W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

Articles

Xamar imisa Baarlamaan ayaa is bedelay, muddada ay inna horjoogeen goleheenna wakiilladu?….W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

Xamar imisa Baarlamaan ayaa is bedelay, muddada ay inna horjoogeen goleheenna wakiilladu? Sabab aynu usii biilinno oo aynu mushahar cashuurteenna looga siiya ma jirto. Hadda waxay u faadhumaysanayaan muddo kordhin afraad ! Kuraasta ay ku fadhiyaan waa kuwii jiilka hadda, kacdoon shacab oo heeraydaa dulmiga layskaga faydaa inna hurrana.

Guurtideennu wuxuu noqday gole agoomeed, maanta ilaa maalintii la doortay xildhibaanka xijaabta waa la dhaxlaayay, waxaana soo gala mid la’aada oo dhaxal ku yimi. Odayada daallan

ee aan ku hadhin awood hoggaamineed iyo mid waxqabad in la nadiyaa habboon oo doorashadooda la diyaariyo.
Doorashooyinkeeni dubbay u dhacayaan muddo aan la garanayn, masuuliyadda dalka in doorasho ka dhacdaana waxay saarantahay Xukuumadda. Jidkeedii ma hayaan oo uma eega qoladan Kulmiye in ay ka bixi karaan kaalintaa. Caqabadaha doorashada ku xeeran xalkooda iyo go’aankeedu wuxuu horyaal Muuse Biixiga maanta hoggaanka haya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top