Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxa la Igu Xidhay Dirayska Ciidanka Ee Aan Xidhay..” Faysal Sugaal Oo Ka Hadlay Xadhigii Lagula Kacay

focus

“Waxa la Igu Xidhay Dirayska Ciidanka Ee Aan Xidhay..” Faysal Sugaal Oo Ka Hadlay Xadhigii Lagula Kacay

(SLT-Hargeysa)-Faysal Sugaal Oo Dhawaan Loo Xidhay Dirayska Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo uu ku labistay ayaa markii ugu horeysay sharaxay qaabkii loo xidhay.

Waxa uu xusay in aanu wax danbi ah gelin, hasayeeshee xidhashada dirayska ciidamada Somaliland ee uu ku labistay ay muujinayso jacaylka uu u qabo dalkiisa hooyo ee Somaliland.

Faysal oo Qoraal kooban ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebookga ayaa yidhi “Ugu horayn ilahii suurta geliyey in aan xoriyadaydii dib u helo bay mahadi u sugantay
Waxaan kale oo u mahad naqayaa guud ahaan umaddii soomaaliyeed ee xadhigayga ka dhii dhiyey gaar ahaana umadda reer Somaliland mucaarid iyo muxaafidba si gaar ah waxaan u xusayaa familyagii, asxaabtayda, cuqaashii, madax dhaqameedkii, safiiradii, madaxdii xisbiyada mucaaridka ah, fanaaniintii, weriye yaashii, abwaaniintii, madaxdii kale qaran ka iyo qof kasta oo ka qayb qaatay soo dayntaydii kana xumaaday xadhigaygii, runtii jeelka nin baan u ahay oo rag baa loo sameeyey se waxa laygu xidhay waxay ahayd in aan dirayskii ciidanka sawirku galay walow wadan jacayl ii geeyey oo aan u xidhay hadana waxa jira dad badan oo reer Somaliland ah oo dress ka ciidanka xidhay oo xataa qaarkood qurigii siteen oo aan xadhig daaye la odhan maxaad u xidhatay! Kuwaasna waxaan kagag duwanaa garan maayo, dhanka kale waan ka mahad sheeganayaa qolada saldhiga dhexe runtii wax jidh dil ah iyo wax aflagaado ah iimay geysan in kasta oo asxaabtayda qaar layska kay hor istaagay in ay ii yimadaan ama isii booqdaan, Alxamdullilaah calaa kuli xaal, mahad gaar ah suldaankayga Suldaan Bulbul Abdi Muuse iyo jiif caaqil kayga

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top