Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirkii Maaliyadda Nigeria Oo Xilkii Iska Casishay

focus

Wasiirkii Maaliyadda Nigeria Oo Xilkii Iska Casishay

(SLT-Nigeria)-Wasiirka maaliyadda dalka Nigeria ayaa xilkii iska casishay kadib markii ay soo baxeen eedaymo ku saabsan waraaqo been abuur ah.

Kemi Adeosun ayaa isku casishay eedaymo sheegaya in ay adeegsatay shahaadooyin been abuur ah si ay uga dheeraato ka qayb galka barnaamijka adeegga dhalinyarada qaranka.

Iscasilaadda Ms Adeosun ayaa timid bilo uun kadib markii warbaahinta maxaliga ahi ay soo bandhigtay su’aalo fara badan oo ku aaddan in shahaadadeedu ay sax tahay.

Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa haysata labo dhalasho oo kala ah Britain iyo Nigeria waxayna UK ku noolayd tan iyo 34 jirkeedii.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top