Connect with us

somalilandtoday.com

Wasaaradda Maaliyadda Faan iyo Fudeyd Mooyee Maxay Shacabka Soo Hordhigtey Ee Sixirbararka Wax Kaga Qabatey Maxey Ka Sheegtay Dayntii Lagu Wareejiyay iyo Dakhligii.Usoo Xerooday

Articles

Wasaaradda Maaliyadda Faan iyo Fudeyd Mooyee Maxay Shacabka Soo Hordhigtey Ee Sixirbararka Wax Kaga Qabatey Maxey Ka Sheegtay Dayntii Lagu Wareejiyay iyo Dakhligii.Usoo Xerooday

Marka aynu dhab ahaan uga hadalno inta Jeer ee Wasaaradda Maaliyada Xukuumadani Faan iyo Fudeyd la hor timid Shacbiga Tiro iyo Cadad malaha Iyadoo ay jirto in Goldoloolada ugu Weyni xageeda ka jiro Sababtoo ah Marka hore Waxeynu ognahey in Sir laga Dhigay Dayntii Ay Kala Wareegtay Xukuumaddii ka horeysay inta ay Tahey iyo heerka lagu qiimayn karo Culayska Dhaqaale ee Taa

kasoo Waajahay sidii Ay Xukuumaddii hore Shaaca uga cadeysay In ay Kala Wareegeen Xukuumadii Rayaale qadar Dayn ah khasnado Madhan iyo Mudada aan Mushahar Lasiin Shaqaalaha.
Waxa kale oo aynu Wada ognahey in aaney habayaraatee marna Soo hordhigin Shacabiga qorshayaal.iyo Mawduuc la xidhiidha Faanka ay Inaku badisey oo Tilmaamaya Koboc Dakhli oo usoo Xerooday oo ay kaga Duwan Tahey Dakhligii Cashuuraha ee usoo hoyan Jirey Xukuumaddii hore, mana jirto Wax Dayn ah oo ay Ku Xustey in ay ka Bixisey dayntii ay Ku Wareejisey Xukuumadii hore, Sidoo kale majirto oo marna kamaynaan arag Qorshe ay Wax kaga badeshay ama Ku Guulaysatey oo ku Sahabsan Sixirbararka iyo Kor ukaca Maceeshadda ee aafeeyay Shacbiga iyaddoo ay kasii Dartey Mudada ay talada la Wareegtay Xukuumadani haba jiro markii hore.e.
Waxa marar badan Madaxweynaha iyo Wasiirkuba inoogu faaneen in 40 jir Ku dhex barbaarey Wasaaradda oo Aqoon Sare haysta Shahaadada Masterka ee Dhaqaaluhu Wasaaradda Qabsadey laakiin marna Lama aragg Talaabo Isbadel ah oo Wasaaradda Maaliyadu ku Talaabsatey Tusaale hadaan usoo qaato Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Aqoonyahan Khibrad u leh Dhaqaalaha ahi Waxa mudadii hayey Xilka Wasaardaasi uu Sameeyay isbadel hor leh oo la Taaban karro Sida dib u habeynta iyo Nidaaminta Dakhliga usoo Xerooda iyo Kharashaadka iyo Mushaarooyinka Ka baxa iyo Xidaab Xidh la taaban karro oo Musuqmaasuqii iyo Madmadawgii Meesha ka saartey Taas oo ay hordhigeen Beesha Caalamka islamarkaana, sitoos ah loo taabtey faraqa u Dhexeeya markii hore iyo Wakhtigan la joogo Waxeyna taasi Sabab u noqotey in laga dhaafo Dayntii Soomaaliya lagu lahaa oo dhan horeyso iyo Dambeysaba World Bank iyo Imf na ay Buug Cusub iyo kabba la barbar joogsadeen halkaa Waxa inooga cad Aqoontii iyo Waayo aragnimadii Cabdiraxmaan Beyle halka aynu Wasiirkan Muuse ee Maaliyada ka hayno oo kaliya Mastertiisii fudeyd oyo aflagaadooyin uu u geystay Gobolada Dalka qaarkood oo indho adeyg ah iyo Digreetooyin Wada Madhan oo qarqoosh u baddan Wuxuu tii u dambaysay ku Xidhey laba Kastam oo Faraweyne iyo Alleybadey ah oo Dakhli kasoo Xeroon jirey.

Su.aasha isweyddiinta adag lihi Waxa Weeyi Haddii aaney Sideed Bilood oo Xukuumadani talada haysey marnaba ku keenin Wax la taaban karro Waa Goorma Wakhtiga ay faan iyo Guulo Ku Sheegan kartaa marbaba hadii ay Is cajabin iyo durdurin ku koobnaatey iyaddoo Sixir bararkii iyo Aafadii Dhaqaale Wali dalka ka taagan tahey.

Sikasta oo ay arimaheedu yihiin Waxey indho arkayaan ayey ilko gooyaan Wasaaradaha Miisaaniyadoodii oo kawada Xidhan iyo Djaqdhaqaaqii Dakhliga Xukuumadu Saamayn ugu yeelan lahaa Gudaha Shacbiga oo Muuqda May aheyn in Master madhan lagu Faano laakiin Waxaa la gudboonaa In ay isqariso ee yaanay lu Dambey n i arkaay i qariyaay baa ka dambeysa.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top