Connect with us

somalilandtoday.com

Siyaasi Faarax Macalin Oo Sheegay In Madaxweyneyaasha Maamullada Soomaaliya Ay Yihiin Agoomo Xukumaddii Tigraygu Ka Tagtay Lana Marinayo Jidkii Cabdi Ilay

focus

Siyaasi Faarax Macalin Oo Sheegay In Madaxweyneyaasha Maamullada Soomaaliya Ay Yihiin Agoomo Xukumaddii Tigraygu Ka Tagtay Lana Marinayo Jidkii Cabdi Ilay

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo galaangal dhaw la leh nidaamka cusub ee Jigjiga iyo guud ahaan isbedelka Itoobiya, sidoo kalena ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha maamullada Soomaaliya ee xilligan diidan hoggaaminta madaxweyne Farmaajo ay mari doonaan jidkii Cabdi Ilay iyo kooxo Tigray ah oo la xaakaalla ahaa la mariyay. Waxa kale oo uu ka hadlay gabbood fallo ba’an oo gobolka Soomaalida ka dhacay axdigii Cabdi Ilay ka talinayay.

“Dr Abiy (Ra’isal wasaaraha Itoobiya) waxa uu bedelay dhammaan Taliyeyaashii TPLF(xisbiga Tigrayga) ee Alshabaab isbahaysiga la ahaa kana tirsana ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan. Ayaamihii Alshabaab waa gabaabsi. Cidda xigta ee safka ku jirta waa agoomihii TPLF(Tigrayga) in boolasha loo saaro waa kuwa loogu yeedho madaxweyneyaasha maamullada gobollada sida Madoobe(Axmed Madoobe), Gaas(Cabdiwali Gaas), Sakiin(Sheekh Shariif) iyo kuwa la midka ah waa in loo dhammeeyo sidii Cabdi Ilay,” Sidaas ayuu siyaasi Faarax Macallin ku sheegay farriin uu ku faafiyay boggiisa Twitter-ka.

Geesta kale Siyaasi Faarax Macalin waxa uu waraysi uu bixiyay kaga hadlay dhibkii ka dhacay gobolka Soomaalida ” Kuwo nogob degan 38-qof ayuu ka diley oo uu kamid yahay nin sheikh ah oo caalam ah oo qabri qoda yidhi marka ay halkan iyo sinaha u gaadhay intii la geliyey lagu aasay ayuu todoba beri meeshaa fadhiyey oo la yidhi cuntana lama siin karo biyana lama siin karo ilaa ay naftii ka baxday oo haddana la yidhi lama aasi karo oo jidhkii iyo lafihii ay kala fur-furteen ciidana wuu agtaagan yahay, reerkiina waxay leeyihiin haka tegin eega waxaanu ku samaynayno .”

Dhanka kalene Siyaasi Faarax Macalin ayaa sheegay in loo baahan yahay Cabdi iley inuu sheego cida uu amarka ka qaadanayey eek u khasbaysa inuu sameeyo gabood faladaa foosha xun” Isaga “waa Cabdi iley” wax-yaabo cad ayey oo maalmihii u dambaysay uu ku telogalay meeshu inay Dab iyo qiiq noqoto, annagoo ogsoon inuu badanaa waxan ka aagid ahaa isaguna uu qirtay oo uu yidhi Dadkii aan dili jiray iyo dadkii aan dhici jiray waxaan kufsan jirnay oo dhan-ba Dowlada Tigreega ayaa qori Madax nagaga haysay uu yidhi, waxa waajibka hadda ka saaran uu yahay Dowlada iyada Dadkii kamid ahaa ee isaga amarka siin jiray inuu soo wada bixiyo “sheego “

Docda kalene Siyaasi Faarax Macalin ayaa sheegay in Dowlasa Itoobiya ay ku raad joogto masuuliyiin kale oo ku suntanaan xad gudub yadiidii ka dhacay deegaanada Soomaalida Itoobiya ” Waa la raadinayaa Dadkii kale ninkii Taliyhii sirtoonka ahaa wuu dhuuntay meelahaas ayuu ku dhuumaalaysanayaa, niman kaloo farabadan janano ahaa oo Tigray ahaa oo iyaguna waxan ku jiray waa la raadinayaa, weyna socotaa Hawshii oo waa la qaqaban doonaa ,”Hawshu waa hawl hadda uun bilaabantay Dowladu wey yar caga dhiganaysaa Maamulkii deegaanka Soomaalida hadda ayuunbu caga dhigtay waa la iskaga daba iman doonaa arrimo fara badan oo dhacay “

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top