Connect with us

somalilandtoday.com

Rwanda Oo Cafis U Fidisay Maxaabiis Ay Ku Jirto Hoggaamiyaha Mucaaradka

focus

Rwanda Oo Cafis U Fidisay Maxaabiis Ay Ku Jirto Hoggaamiyaha Mucaaradka

(SLT-Rwanda)-Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, ayaa cafis u fidiyey hogaamiyaha mucaaradka ee Victoire Ingabire, oo muddo shan iyo toban sanadood ah jeelka ugu jirtay dawcado lagu helay oo argagixisonimo ka mid ahayd.

Cafiskaan uu madaxweynuhu u fidiyay ayaa waxa kale oo ku jiray dadka lagu sii daayay heesaa caan ah oo la yiraahdo Kizito Mihigo oo isna u xirnaa toban sanadood inuu maleegayey shirqool madaxweyne Kagame lagu khaarijnayey.

Victoire Ingabire, oo ku eedeysneyd inay xiriir la lahayd koox fallaago ah oo Hutu ah oo ku sugan dalka dariska ah ee Congo, ayaa waxa ay ka mid tahay in ka badan 2 kun oo maxaabiis ah oo madaxweynuhu cafiyay.

Ma cadda xilliga xabsiga laga sii deyn doono balse go’aanka lagu sii deynayo ayaa galinkii dambe ee maalintii Jimchaha waxaa bayaan kusoo saaray wasaaradda Caddaalada.

Sababta loo sii deynayo cafiskana loogu fidiyay laguma sheegin bayaanka, balse wasaaradda Caddaalada ayaa sheegtay in go’aankan lagu sii daayay uusan xiriir la lahayn siyaasad.

Tirro mucaarad ah ayaa si xun loogu dilay gudaha iyo dibedda dalka Rwanda, horaantii sanadkaan, (Diane Rwigara) oo ah haweeney isku dayday doorashadii sandkii hore inay la tartanto madaxweyne Kagame ayaa xabsiga la dhigay hantideediina la iibiyay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top