Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hargeysa Ku Casuumay Diblomaasiyiinta Iyo Khubaradii Shisheeye Ee Somaliland U Doodi Jiray Markii Ay Taladda Hayeen Cigaal Iyo Rayaale

focus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hargeysa Ku Casuumay Diblomaasiyiinta Iyo Khubaradii Shisheeye Ee Somaliland U Doodi Jiray Markii Ay Taladda Hayeen Cigaal Iyo Rayaale

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu magaalada Hargeysa Ku marti Qaadey Diblomaasiyiin iyo aqoon yahano ajaanib ah ee ka mid ah ajaaniibta taageersan ee u dooda qadiyada Madax banaanida Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo xukuumadu ka soo saartey Martiqaadkan lakiin warar xog ogaal ah oo Wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiiiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu doonaayo inuu magaalada Hargeysa shir kula yeesho diblomaasiyiin iyo khabiiradan shisheeye.

Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu madaxweynihu doonaayo inuu dib u soo ururiyo saaxiibadii Somaliland ee shisheeye ee taageersanaa una doodi jiray qadiyada madax banaaninda Somaliland balse ay sanadadii danbe ay kala xidhiidh furmeen Somaliland Waxaa diblomasiyiinta iyo khuboradaas loo diray Martiqaad iyada oo la filaayo in shiraasi bisha tobnaad ee soo socota uu magaalada Hargeysa ka qabsoomo.

Diblomasiyiintan iyo khuboradan ayaa la sheegay inay aqbaleen marti qaadka madaxweyne Muuse Biixi isla markaana waxaa ay xaqiiiyeen in ay imanayaan Hargeysa.

Khabiiradan la marti qaaday waxaa ka mid ah Dr Greg Mills oo ahaa khabiir u dhashay dalka Konfur Africa in badana baahiyey qormooyin ku saabsan horumarka Somaliland ee kala duwan.
Diblomaasiyiin wadamadooda u fadhiya wakhtigan dalal shisheeye ayaa iyaguna ka mid ah raga la marti qaaday.

Diblomaasiyiintan iyo khuboradan oo badankoodu Somaliland ku soo xidhmeen Markii ay talada Hayeen Marxuum Cigaal iyo madaxweyne Riyaale ayaa talo iyo araah ka dhiibtaan sida ay Somaliland ula jaanqaadi karto isbedelka ka socodka gobalka Geeska Africa.

Waxaana martiqaadkoodu imanayaa wakhtigan oo ay isbedelo waaweyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale-ba ay ka bilaabmeen gobalka Geeska Africa

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top