Connect with us

somalilandtoday.com

hadda Anigu ma Sheegin Madaxweyne sababta Xajka laguugu diidey…W/Q Cabdisataar Sabri

Articles

hadda Anigu ma Sheegin Madaxweyne sababta Xajka laguugu diidey…W/Q Cabdisataar Sabri

hadda Anigu ma Sheegin Madaxweyne sababta Xajka laguugu diidey
………………………………………………………………………..
Eeduhu kala Cuf iyo Culays badan balse Somaliland Iyo Wixii Eedo Siyaasadeed Soo Taxnaa ee Maalinba Heer Soo joogay Waxa kujiray Eedo kama danbays ah oo Qof, Qofaf , Ururo iyo Xisbiyo intuba Warbaahinta Isu Mariyeen.


Eed Kamida Eedahii ay kaliftay Siyaasadii Rubuc qarnigii Udanbeeyay Ka shaqaynaysay Somaliland ee Shikhsi si Gaar ah Loola Beegsado waxaan isleeyahay hadaanan Ogayn waxaa Ugu Culays iyo Saamayn waynayd, Eedii

Aan Tudhaalaha Wadan ee uu M/weyne Cigaal Ku Suntay Mid kamida Siyaasiyiinta mucaaradka ku ahayd Hogaamintiisa .

Eedaas Kakan Waxay ahayd Qumbulo-durriyad uu La eegtay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi
Markale Waxa ay ahayd Xeelad Dagaal oo kamida Kaartooyonkii iska caabineed ee uu aad Xariifka ugu ahaa alle haw naxariisto’e Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim “Cigaal” Dabayaaqadii sanadadii Sagaashamaadkii.
Dad badan ayaa Xilligaas u arkay Eedda Madaxweynaha Mid Ujeedaysan oo Axmaqnimo ka muuqato sidoo kalena Halis ku ah Mah’ud Xashi Sababtoo ah eedaasi Waxa ay shaki gelisay Xasiloonida Nololeed ee Maxamuud in ay Salka kadegto maadaama Cadaw shisheeye Madaxweynihiisii uSuntay, kuna soo Hagay .
Dawlada Maraykanka aya iyana Waagaas Liis Furan Iska sitay oo Cidii Cadawgeeda loogu sheegaba buuga Gashanaysay..
Maxamuud Xaashi Cabdi Halista Badwayntaa waxaa uquudhay Badhtankana udhigay Madaxweynihii sii oo Colaadu Meel xun Gaadhsiiyay …….
Sida aan Kasoo Xigtay Rag ku jiray Siyaasadda Xilligaas Maxamuud Xaashi wuxuu ahaa Nin Dhalinyaro ah Carcartiisii leh wax badan og Fahamsan. . Siyaasadiisu ku dhex barbaartay ragii waxuun isbidayay hadday inuun jirto rag Ku dayasho Siyaasadeed Halgan iyo sooyaal Taariikheed Wuxuun lagu Xurmeeyo. Wuxuu ahaa Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland katirsan oo Dood Xoogan Aftahan ah. Qalinkiisuna Abaarsugan leeyahay , Waxaa uu Xilligaa Mucaarad Sheegan oo aan Yabaal iyo walaac lahayn uu Ku Ahaa Siyaasadii Madaxweyne Cigaal.
Markii Maxamuud xaashi umanbaxay Mucaaradnimo waxay ahayd xilli Saxaafad Badaxbanaani Hargaysa Ka shaqayso Sida Wargayskii Jamhuuriya.
Wuxuu Qalinkiisa ku Sawiri jiray Sawirada Muuqda Balse laga warwareego. Dhaliilaha Aan sacabadu Qarinkarin ee Laga Muquurto Xuskooda Iyo sida Dawladnimadu Dhinac ugararantahay, sida loogu Baahan Yahay in ladheelitiro, Maxamuud Xaashi sida la ii marageeyay waxaa uu Madaxweyne Maxamed ibraahin Cigaal uu ku dhaliili jiray Galdaloolada Xukuumadiisa Gun iyo Baar Iyo sida uu uga gaabiyay inuu iska Gufeeyo iridaha Dayacan.
Weriye Reer Hargaysa ah oo iisawiray
Xilligaa Muuqaalka Max’ud Xaashi Wuxu igu yidhi Wuxuu ahaa Nin gadh weyn leh , Wadaad ah Midabkiisu Casyahay , Tin Madaw , Ku labista Mararka qaar Surwaalka iyo Shaadh Abu Bakastaaniya Sinna ugu Eeg Tubliiqiyiinta ka timaada Afqaanistaan…….
M/weyne Cigaal Markan uu Maxamuud Xaashi Cabdi Uu Hadalkan argagaxa leh ku yidhi Maxamuud waa Mar uu Qori jiray Maqaalo Shacabka usoo Bandhigaya Sida looga keliyeelay Beesha M/weynaha Furasadahii shaqo gelinta oo dhan kuwaas oo ay ahayd in Ummadda Somaliland oo dhami u Sinaado…..
Maxamuud xaashi Wuxu si gaar ah u bar tilmaameed sanjiray .. xilalka Siyaasadeed iyo Mansabyada Shaqo ee Beesha Habar Awal hayaan isagoo Toosh Lix Xaajaarle Ku shidijiray Wuxu Xilligaa Daahfuray Tiro Sheegaysa in 80% wixii lawada lahaa Beesha Habar Awal Hayso Dadka inta kalena 20% .
Madaxweyne Cigaal oo dabagalkaas Uqaadanwaayay ayaa ka xanaaqay kadibna waa Markan Marka uu kulaba laxaadsaday ee uu xagaa iyo usaama uu ula Kacay
Subaxdii Xigtay Subaxii M/weynuhu Hadalkaa yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi Wuxu Warbaahinta Ku Daabacay Maqaal Journaalkii Widhiidh ka dhigay Oo hargaysiba Raacdaysay oo qaali kadhigay Qiimihii Joornaalka markii Dadka iibsanaya iyo intii la Daaabacay kala bateen .
Maqaalkasi wuxu lalabay Duruufo Siyaasadeed oo Madaxwrynaha ku xeernaa sida Xidhiidhkii Carabta .oo go’ay Warqad layidhi Yuhuudda ayuu Uqoray iyo xaasaasiyada oo Bariga dhexe ahayd
Magaalkaas Hargaysa Maalintaas yaboohisay Ciwaankiisu wuxuu Ahaa
,
hadda Anigu ma Sheegin Madaxweyne sababta Xajka laguugu diidey

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top