Connect with us

somalilandtoday.com

DAAWO: Ururka Qareennada Somaliland Oo Ku Baaqay In Xeerka Kufsiga Laga Saaro Qodobo Ku Jira

focus

DAAWO: Ururka Qareennada Somaliland Oo Ku Baaqay In Xeerka Kufsiga Laga Saaro Qodobo Ku Jira

(SLT-Hargeysa)-Ururka qareennada Somaliland ayaa wallaac ka muujiyey qodobo ku jira xeerka Kufsiga ee dhawaan la ansixiyey.

Xubno Ku hadlayey afka ururka qaraneeda oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in qodobada ka hor imanaya diinta iyo dastuurka dalka ee ku jira xeerka, sidoo kale wax u dhimayaan dhaqanka wanaagsan iyo dhowrsanaanta bulshada.

Beyaanka qareenada waxa soo dhaweeyey mudaneyaal ka tirsan golaha guurtida, kuwaas oo xusay in qodobadan sharciga halis ku yihiin shuruucda dalka.

Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Ilkacase oo kamid ah mudaneyaasha golaha guurtida, ayaa tilmaamay in dib u eegis lagu sameeyo xeerkaas.

Xeerkan kufsiga oo ay goleyaasha baarlamanku ansixiyeeen bishii la soo dhaafay, ayaa abuuray dood iyo dareen laga muujiyey qodobo ku jira oo tafsiir ka bixinaya arrimo anshaxa suuban iyo diinta ka hor imanaya, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top