Connect with us

somalilandtoday.com

Baarlamaanka Ciraaq Oo Doortay Guddoomiye Cusub

focus

Baarlamaanka Ciraaq Oo Doortay Guddoomiye Cusub

(SLT-Ciraaq)-Baarlamaanka dalka ciraaq ayaa doortay gudoomiye cusub taasi o lagu tilmaamay tallaabo muhim ah oo horey loo qaaday.

Mohammed al-Halbousi ayaa la isku afgartay in uu noqdo gudoomiyaha cusub ka dib markii uu taageero ka helay dhinac la rumaysan yahay in y gacan saar la leeyihiin Iiraan.

Arrintan yaa lagu tilmaamay tallabo loo qaaday dhanka soo dhisidda dowlad cusub.

Balse isbahaysiyada xisbiyada siyaasada ayaa wali wadaxaajood ku jira mana cadda cidda yeelan doonta aqlabiyada baarlamaanka dalkaasi.

Geedi socodka lagu soo dhisayo dowladda cusub ayaa dib loo dhigay muddo bilooyiin ah taasi oo la xiriirtay natiijadii ka soo baxday doorashadii bishii May.

Ismari waaga siyaasadeed ayaa waxaa sidoo kale hareeyay dibadbaxyo ka dhacay magaalada Basra ee dalkaasi Ciraaq.

Shacabka magaaladaasi ayaa waxa ay ka cabanayeen adeegyada dowladda oo liita .

Xukuumadda Ciraaq ayaa bandow ku soo rogtay magaaladaasi Basra ka dib markii ay sii kordheen rabshadaha.

Ka dib doorashadii ka dhacday dalka Ciraaq ayaa xisbina waxaa uu heli waayay aqlabiyadii loo baahnaa si uu dowlad u soo dhiso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top