Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha waxa la ga rabaa in uu danta dalkiisa iyo dadkiisa ku tuntuunsado oo uu tiisa ka soo dhalaalo..W/Q Maxamed Hagi

Articles

Hoggaamiyaha waxa la ga rabaa in uu danta dalkiisa iyo dadkiisa ku tuntuunsado oo uu tiisa ka soo dhalaalo..W/Q Maxamed Hagi

Siyaasaddu waa dan raadis, haddana ku talogal yar oo isbedbeddel badan. Hoggaamiyaha waxa la ga rabaa in uu danta dalkiisa iyo dadkiisa ku tuntuunsado oo uu tiisa ka soo dhalaalo. Ma aha in uu dan cid kale ay leedahay ku dabadhilifoobo.

Hoggaamiye aan danta dadkiisa iyo dalkiisa garannahayn oo jecel in uu dano cid kale oo aannu waxba ku lahayn saameyn na ku yeelan karin ka dhex muuqmuuqdo waa luggooyo masiibo ah e, ma aha hoggaamiye.

Arial, sans-serif; color: rgb(29, 33, 41); font-size: 14px;”> Hadda sidaa waxa ka dhigan Farmaajoha Xamar! Bal u fiirso sida uu shanshada dheriga aannu lahayn ugu ritay. Maxaa Soomaaliya ugu jira heshiiska Itoobiya iyo Eritrea ee aan ahayn luggooyo faduuli waddo? Maxaa Soomaaliya ugu jira heshiisiiinta Jabuuti iyo Eritrea ee aan masaalax baydhsan oo Soomaali ka dhan ah ahayn?
Itoobiya oo Eritrea la heshiisaa waa in ay Soomaaliya khayraad yareysato oo khatar dhaqaale, siyaasadeed iyo mid amniba waajahdo. Jabuuti iyo Eritrea oo nabdaa iyana waa khatar strategic ah oo Soomaalida si ba’an u soo foodsaari doonta marin ahaan.
Sababta ugu weyn ee ay sida tan u tahay waa in Soomaaliya aaney ahayn wakhtigan dal degan siyaasad ahaan, xasilan amni ahaan, saaxiib leh hiil ahaan oo samatabixi kara itaal ahaan. Sida ay sidaa u tahay sharraxaaddeedu waa innoo iyo xilliyo kale. Jimce Wanaagsan.
Mohamed Hagi Mohamoud

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top