Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Oo Maxkamad La Soo Taagay Isagoo Katinadaysan.

English

Madaxweynihii Hore Ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Oo Maxkamad La Soo Taagay Isagoo Katinadaysan.

(SLT-Addis-ababa)Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa, isagoo ku eedeysan fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadanimada intii uu hayay talada maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya .


Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maxkamadda lala soo taagay xubno ka ka tirsanaa maamulkiisa hore, waxaana la bilaabay dhageysiga dacwada loo heysto isagoo ka tiinadaysan.

Kaaliyadda Maxkamadda ayaa la sheegay inuu su’aalo weydiiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha la xidhan, waxyaabaha ay ka cabanayaan oo ah haddii ay jiraan jidhdil loo geystay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar uu dalbaday in loo hagaajiyo cunnada la siiyo, waxaa uu tilmaamay in wax laga qabto in hanjabaad ay kala kulmaan ciidanka gacanta ku haya xabsiga uu ku xidhan yahay.

Xeer Ilaalinta Itoobiya ayaa 14 cisho dheeraad ah siisay dacwad oogayaasha inay ku soo dhameystaan dacwada lagu soo oogay, si ay u soo dhameystiraan Kiiska Qabyada ah.

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top