(SLT-Hargeysa)-Warbixin uu soo saaray 12 bishan aynu ku jirno xafiiska la socodka siyaasadda geeska Afrika (Centre for Policy Analysis CPA) caqabaddaha ku gedaaman doorashooyinka ka dhacaya March 2019 deeganada Somaliland waxa lagu sheegay in wallaac laga qabo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka wakiiladda iyo deegaanka.
Warbixintu waxay sheegtay in caqabaddaha waaweyn ee haatan ku gedaaman doorashada ay sabab u noqonayso dib u dhac ku yimaadda, waxaana warbixintu sheegtay in caqabaddaha ku gedaaman doorsahadaasi ay kow ka tahay xeerka doorashada oo ilaa haatan qabyo ah.
Haddaba xisbiyada mucaaridka Somaliland (Waddani iyo Ucid) ayaa iyagu haatan qaba dib u dhac ku imanaya doorashada. Xisbiyadan ayaa sheegay in mas’uuliyada dib u dhaca doorashadanni dusha ka saaran tahay xukuumadda Somaliland, waxaana ay madaxweynaha Somaliland u soo jeediyeen in uu si deg deg ah u xaliyo caqabaddaha hortaagan qabsoomida doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada oo la sheegay in lays raacinaayo qabashadooda.
Xisbiga Ucid: waxa uu wallaac ka muujiyey in ay doorashadu dib u dhacayso, mana jirto cabasho gaar ah oo uu isagu qabo se waxa uu aamisan yahay in caqabadaha ku gedaaman doorashada haddii xal waara oo deg deg ah loo heli waayo aanay doorasho dhacay horaanta sannadkan soo socda.
Xisbiga Waddani: waxa uu qabaa tabasho isaga u gaar ah, waxaanu hore kalsoonida ugala noqday dhammaan xubnaha koomishanka doorashooyinka, waxaanu soo jeediyey in la kala dirro – waxa kale oo xisbiga Waddani xisbiga mucaaridka ah ee Ucid la qabaa in caqabada ku gedaaman doorashada haatan ay qeyb ka noqonayaan in dib u dhac ku yimaado doorashadaasi.
Maxay yihiin caqaaddaha ku gedaaman doorashada ee loo baahan yahay in la xaliyo?
Ansixinta xeerka lagu soo dooranaayo golaha wakiiladda
Xal u helida saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobolada gaar ahaan beelaha darafyada
Xukuumadda oon haatan u muuqan mid u diyaarsan qabashada doorasho
Khilaafka xisbiga Waddani iyo guddiga doorashooyinka Somaliland
Maqnaashiyaha lacagta beesha caalamka ee doorashooyinka ka taageera Somaliland.
Gebogebada dalalka beesha caalamka ee doorashada ka taageera Somaliland iyagu qudhoodu waxay ka digeen in dib u dhac ku yimaaddo doorashadaasi.