focus
Waa Kuma Hoggaamiye Lula: Ma Dambiile Mise Ceeb-Ka-Saliim?
(SLT-Brazil)-Luiz Inácio “Lula” da Silva waa nin dadka u arka inuu qaranka badbaadiyay ay aad uga badan yihiin marka la barbar dhigo kuwa aaminsan inuu ahaa nin dambiile ah oo ay Brazil ka reysan doonto: waa nin xukunka qabsaday isagoo ballan qaaday inuu is badal keeni doono, haddana sidaasoo ay tahay siyaasadda ku reebay raad aad uga duwan kuwii hore.
Noloshiisu waxay la mid tahay midda dad fara badan oo reer Brazil ah. Wuxuu dhashay sannadkii 1945-kii, wuxuuna ka dhashay qoys sabool ah oo dagganaa waqooyiga-bari ee dalka Brazil.
Markii uu jiray da’da toddoba sano, qoyskiisu waxay u guureen magaalada São Paulo si ay shaqooyin u helaan – waana isla sida ay sameeyeen malaayiin qof oo reer Brazil ah oo isaga ka horreeyay kana dambeeyay.
Lula ma uusan baranin sida wax loo akhriyo ilaa intii uu ka soo gaaray da’da 10 sano. 14 sano markii uu gaaray, wuxuu helay shaqadiisii ugu horreysay oo dhanka biraha ah, taasoo uu ka billaabay warshadaha baabuurta sameeya ee ku yaalla duleedka magaalada São Paulo.
Warshadahaas ayay ahaayeen meeshii uu ka billaabay inuu ku lug yeesho arrimaha siyaasadda.
Sannadkii 1975-kii wuxuu hogaaminayay urur ay ku mideysnaayeen shaqaalaha dhanka biraha, wuxuuna guud ahaan sannadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii gacan ka geysanayay qaban qaabinta shaqo joojin iyo mudaharaadyo looga soo hor jeeday xukunkii milatariga Brazil.
“Shaqaaluhu waligood waxba ma helin iyagoo aan dagaallamin, iyagoo aan dadaal dheer sameynin, iyo iyagoo aan dagaal diyaar u ahaanin ilaa inta ay dantooda ka gaaraan” sidaas ayuu ku yiri shaqaalaha bishii Abriil ee sannadkii 1980-kii.
Isla bishaas gudeheeda, waxaa loo xiray inuu ku lug lahaa mudaharaadyada, wuxuuna xabsiga ku jiray muddo hal bil ah.
Aasaasidda xisbiga shaqaalaha
Wax yar ka dib markii la sii daayay, wuxuu aasaasay Xisbiga Shaqaalaha, kaasoo ahaa xisbigii shacbi ee ugu horreeyay abid taariikhda dalka Brazil.
Xisbigaas ayaa wada mideeyay dhammaan ururradii ganacsiga, horumarinta iyo kuwii u doodi jiray xuquuuqda aadanaha, waxaana dhammaantood loo agaasimay iney hor seedaan isbaddalka awoodda dalka Brazil.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage caption“Waxaan doonayaa Brazil hufan”, halku dhegga ololihiisa doorashada
Hase ahaatee wuxuu rafaad badan u soo maray inuu gaaro heerka ugu sarreeya.
Lula wuxuu doorashada xilka madaxweynenimo u tartamay saddex jeer mana uusan ku guuleysannin, laakiin waxaa la doortay sannadkii 2002-dii.
Markii uu xilka qabtayna wuxuu taariikhda Brazil ku galay inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee isagoo shaqaale ah maamulka loo dhiibay, wuxuuna ku doodayay in xilligaas la joogay waqtigii bog cusub loo rogi lahaa aayaha Brazil.
“Isbeddel wuxuu ahaa eraygii noogu muhiimsanaa, oo waliba ahaa farriin ka socotay shacabka Brazil, dadweynaha ayaa go’aansaday in la gaaray waqtigii tallaabo cusub la qaadi lahaa”. hadalkaas ayuu yiri mar uu khudbad ka jeedinayay munaasabaddii xilka madaxweyne loogu dhaariyay bishii Janaayo ee sannadkii 2003-dii.
Wuxuu Brazil ku hogaamiyay koboc dhaqaale oo lama filaan ah. Waxay u muuqatay inuu kharash fara badan u hayay barnaamijyada bulshada.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionSeddex goor ayuu madaxtinimada u tartamay ka hor intii aan la dooran 2002.
Mid ka mid ah wax qabadyadiisii ugu waaweynaa ee uu hiigsanayay wuxuu ahaa inuu malaayiin ruux ka soo saaro saboolnimada, sida uu sheegay wasiirkiisii hore ee arrimaha dibadda, Celso Amorim.
“in 30 ilaa 40 milyan oo ruux laga samata bixiyo saboolnimada waa arrin cajiib ah,” ayuu yiri Mr Amorim.
Wuxuu intaas ku daray “Lula waa nin ay dadka Brazil wada yaqaannaan, sababtoo ah waa mid iyaga ka mid ah, wuxuu ka soo jeedaa qoys sabool ah, wuxuuna gaaray ilaa heer madaxweyne, isagoo aan dafirsaneyn waxa uu asalkiisii ahaa.”.
Khasaarinta dhaqaalaha
Laakiin waxa uu sidoo kale wajahay cambaareyn ku aaddan inuu maamulkiisu si qeyru-masuulnimo ah u isticmaali jiray lacagaha iyadoo aan diiradda lagu saarin baahida dhabta ah ee shacabka.
“Qof walba wuu faraxsanaa sababtoo ah qof walba wuxuu heli karay lacag,” waxaa sidaas ku dooday falanqeeye siyaasadeed oo lagu magacaabo Thiago de Arago. Wuxuu yiri “waa farsamo aan ku imaanin qorshe dhaqaale balse ku timid dhibaatooyinka jiray waqti xaadirkaas.”
Waqtiga fiican ma sii daba dheeraanin mana sii socon karin waligiis. Ka dib markii uu labo jeer oo isku xigta qabtay xilka madaxweynaha, taasoo ah wakhtiga ugu badan ee uu oggolaa sharciga Brazil, Lula wuxuu xilka ka dagay 1-dii bishii Janaayo ee sannadkii 2011-kii.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionLula wuxuu ahaa maskaxdii Dilma Rousseff ay ku shaqaynaysay
Waxaa badashay Dilma Rousseff oo ay isku xulafo ahaayeen laakiin maadaama uu kobaca dhaqaalaha hoos u dhacay, xiisado siyaasadeed ayaa abuurmay.
Sannadkii 2013-kii, waxaa billowday mudaharaadyo ka dhashay sare u kac ku yimid qiimihii lacagta basaska lagu raaco, wayna ballaarteen mudaharaadyadaas oo loogu careysnaa siyaasiyiinta musuqmaasuqa waday.
Xaaladdaas ayaa horseedday in sannadkii 2014-kii la billaabo howlgalkii baaritaanka musuqmaasuqa ee lagu magacaabay Operation Car Wash, kaasoo ahaa howlgalkii baaritaan ee ugu weynaa oo abid laga sameeyo dalkaas.
Lula wuxuu ahaa nin sheegay inuu wakiil ka yahay isbaddalka, laakiin ugu dambeyntii waxaa isaga qudhiisa loo maxkamadeeyay musuqmaasuq.
‘Ma xiri kartaan fikradaheyga’
Sannadkii 2017-kii, waxaa lagu xukumay ku dhawaad toban sano oo xabsi ah ka dib markii uu qirtay eedeymihii loo jeediyay.
Sannadkaan 2018-ka waxaa xukunkiisa loo sii dheereeyay inuu noqdo 12 sano.
Xukunkaan ayaa noqday mid kala qeybiyay shacabka Brazil oo u kala baxay dadkii aaminsanaa in isaga iyo xisbigiisii shaqaalaha lagu sameeyay caddaalad darro iyo kuwa aaminsanaa in sharciga la mariyay.
Raadadki siyaasadeed ee Lula way isku qasmeen. “Waxay muujiyeen in waddan sida Brazil oo kale ah aan ninkaas loo difaaci karin sida uu u heer sarreyn jiray awgeed,” “waxay ila tahay in arrintaan ay tahay dhaxal weyn oo uu Lula uga tagay dadka Brazil, oo ah inuusan qofna ka sarreynin sharciga”. waxaa sidaas yiri Mr Arago.
Dhowr bilood ayuu u dagaallamay inuu bannaanka joogo, balse bishii Abriil ayay maxkamadda ugu sarreysa dalkaas ku amartay inuu xabsiga galo.
Khudbaddiisii ugu dambeysay ayuu u jeediyay shaqaalaha biraha ee uu shaqadiisii ugu horreysay ka billaabay: “Ma jirto si la isugu dayi karo in fikradaheyga la xiro, horay ayay ugu sii jireen hawada mana xiri kartaan. Ma jirto si la iiga hor istaagi karo inaan riyoodo, sababtoo ah marki aan riyada joojiyoba waxaan billaabi doonaa inaan ku jiro niyaddiinna iyo riyooyinkiinna.”
“Waa iney ogaadaan in geerida dagaalyahan uusan ku joogsaneynin kacaanka,” ayuu ku yiri dadweyne uu la hadlayay.
Xitaa isagoo xabsiga ku jira ayuu Lula sii waday dagaalka. Laakiin ugu dambeyn wuu ku guul darreystay waxaana halkaas ku soo af jarmay dadaalkii uu waday nin mar ahaan jiray siyaasiga ugu taageerada badan dalka Brazil.
Hadda wuxuu ka baxay siyaasadda laakiin wali waxaa niyadda ku haya dad fara badan, saameyntiisana way sii jiri doontaa waqti kale oo soo socda.
Continue Reading
Advertisement
You may also like...
Related Topics:
