Connect with us

somalilandtoday.com

SALEEBAAN MUU AHAYN INUU MAANTA HADLO ?

Articles

SALEEBAAN MUU AHAYN INUU MAANTA HADLO ?

Waxaan daawanayay clip uu soo duubay nin magaciisa lagu sheegay shiikh saleebaan siciid oo mar maareeyaha haamaha kaydka shiidaalka ay ka dhigtay xukumadii siilaanyo isaga oo aan soo marin wax maamula iyo maarayn ah bal se ahaa nin wadaad sheegta oo iska dhex jooga magaala xeebeeda berbera, haamahana lagu geeyey qaab ehelnimo ah , wuxuu shalay ka hadlaayay oo uu afla,gaadaynayay rag ganacsato ah oo wadanka hiil iyo hooba u soo huray,

waxaa lawada ogaa mudadii kaabnayd ee aad haamaha joogtay inay fadhiisteen taangiyadaa aad sheegayso kuwo kale oo badana hawl gab ku dhawaayeen,balse ay dayactireen ganacsatadaa haamaha lagu wareejiyay daynkaa haamaha lagu lahaana ee masuuliyiinta haamuhu sheegayaana uu ahaa lacag adigu aad lunsatay iyo dhibkii soo gaadhay haamaha mudadii aad joogtay markaa inaad maanta hadasho oo aad cid eedaysaa kuuma banaana ee waa inaad is qarisaa ,

saleebaan isaga oo sheeganaya wadaad wuxuu ahaa ninkii ugu musuqa badnaa intii wuu joogay xayndaabka haamaha bal ha is waydiiyo wuxuu ahaan jiray intii aan loo dhiibin haamaha

saleebaanow haddii aanad lunsan lacagtaa malaayiinta doolar ah ee maanta la isku haysto ee ganacsatadu ku kabeen haamaha kaydka berbera xagaad ka keentay hantigan faraha badan ee aad maanta haysato ee ay ka midka yihiin kaalinta iyo hudheelkan isku qoofalan ee aad ka dhisatay faras magaalaha magaalada berbera ,ee reer berbera u yaqaanan AAKHIRO WAA YEELKADEED, ileen waa la ogaa waxaad ahayd ka hor intaan haamaha laguu dhiibine

adiga oo shiikh sheeganaya waxaa lawada ogaa inay duntay kaalintaadu markii la dhisayay toban jeer haddaanad lacag xaaraana ku dhisin bal is waydii waxa duminayay waliba waxay u dumaysay jihada haamuhu kaa xigaan (subxaan allaah)
gabagabadii waxaan kugula talin lahaa ka waantow waxad ku hadlayso aamusoo is qari handii umada ayaa kugu maqane

W|Q| aarka saaxil

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top