Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Sheegay In Daacish Laga Adkaaday

focus

Maraykanka Oo Sheegay In Daacish Laga Adkaaday

(SLT-Suuriya)-Xoogagga Suuriya ee Maraykanku uu taageero ayaa bilaabay wajigii ugu dambeeyey ee hawgalka ay ururka Daacish uga sifaynayaan goobihii ugu dambeeyey ee Waqooyi Bari Suuriya.

Sarkaalka ugu sareeya militaiga Britain ee hoggaamiya isbahaysiga Maraykanku uu hoggaamiyo ayaa sheegay in ururka Daacish uu jabay balse wuxuu sidoo kale ka digay khatarta ka imaan karta soo laabashada kooxaha xagjirka haddii aan dadaal wayn lagu bixin in la xasiliyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Major General Felix Gedney ayaa sidoo kale sheegay in bulshada caalamka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan wixii laga yeeli lahaa in ka badan 600 oo dagaalyanno ajaanib ah- ayna kujiraan kuwo Britain u dhashay – oo la qabtay.

Major General Felix Gedney, ayaa sheegay in xoogagga uu Maraykanku taageero ay dhakhso gaari doonaan xilligii ugu dambeeyey ee xoraynta dhammaan dhulka ay Daacish ka talin jirtay ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya

Balse taliye ku xigeenka isbahaysiga ayaa sheegay in wali dadaallo waaweyn loo baahan yahay si loo xasiliyo gobolka iyo in la xaqiijiyo in Daacish ay si dhab ah u jabtay.

War kooban oo uu ku siiyey saxafiyiinta magaalada London General Gedney ayaa sheegay in Daacish goor horeba ay qaab dagaalkeedii u badashay qaab ugaarsi ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxdu ay wali khatar ku tahay UK.

General Gedney waxa uu sheegay in 600 oo dagaalyahanno shisheeye ah lagu qabtay gudaha Suuriya oo ay ku jiraan wax uu ku tilmaamay tiro yar oo u dhalatay dalka Britain kuwaas oo wali khartooda leh.

” Ma garan karo sidii laga yeeli lahaa sababtoo ah waa su’aal siyaasadeed oo wayn. Waan ogahay wixii aan lagu falayn dadkaas – waa dad bahaloobay – kuwaas oo wali khatar ku ah annaga iyo qarankeenna waa in aanay baxsan oo markaas aysan weerar kusoo qaadin dalkeena”

Diyaaradaha RAF jets ayaa hawgal ka fulinaya Ciraaq iyo Suuriya. Todobaadkii hore saddex duqaymood ayay sameeyeen.

General Gedney waxa uu sheegay in uu filayo in Britain iyo xoogagga kale ee caalamiga ahba ay sii joogi doonaan gobolka ugu yaraan dhowr sano.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top