Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Guddiga Midawga Yurub Oo Shaacinaya Istiraatiijiyadooda Afrika

focus

Madaxweynaha Guddiga Midawga Yurub Oo Shaacinaya Istiraatiijiyadooda Afrika

(SLT-Paris)-Madaxweynaha guddiga Midawga Yurub ayaa soo jeedinaya khudbaddiisa sannad laha ah wuxuuna soo bandhigi doonaa iskaashiga cusub ee ay yeelanayaan Afrika iyo Midawga Yurub

Jean-Claude Juncker ayaa sheegi doona in la joogo wakhtigii Midawga Yurub uu doorkiisa ka qaadan lahaa miiska awoodaha caalamka.

Waxaa kale oo la filayaa in uu saadaalin doono in UK ay Midawga Yurub la yeelan doonto xiriirka ugu wanaagsan marka ay isaga huleesho ururka.

Waa 12 kii billood ee ugu dambeeyay ee uu xilka sii hayn doono Juncker, waxaana hareeyay dhibaatooyinka ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub, soo galootiga iyo qolyaha waddaniyadda ku kalax tagay.

Juncker oo khudbadda ka jeedin doona magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska ayaa isku dayaya in uu Midawga Yurub ka dhigo mid door muhiim ah ka ciyaara siyaasadda caalamka, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Adam Fleming.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top