Connect with us

somalilandtoday.com

kaftanka maanta,jiiraddii jeegaanta…W/Q Axmednur Guruje

Articles

kaftanka maanta,jiiraddii jeegaanta…W/Q Axmednur Guruje

kaftanka maanta,jiiraddii jeegaanta
Xikmad wayn oo calamiya baa tidhaahda ,taariikhdu iyadaa isa soo celcelisa (history repeat it self ) sidda sooyaalka looga bartayna wareegtadda aduunyo waxay ku jirtaa gedgedoon joogto ah .


Aan kusoo dhawaadee ,somaliland rubuc qarnigiiba jeegaantu mar bay is Jamataa ,isma Jamato oo keliyee way isu jibootaa ,ilaa la modo in ay noqdeen jiidh keliya .

 Sidda jalbeebtaa loogu jiro iyo jamashadaas ayuunbaa baabuurka oo xawaare sarre ku socdaa soo gaadhaa gooladda loo yaqaano jiiradda jeegaanta oo ah is goys cajiiba ,oo ah goolad leex leexasho badan .
Jiiradaas markuu wadahu ku laabo ee shookaanta wada dhufto ,ayaa baabuurku Dabo iyo dacal wada ruxmaa ,soo shakarista uu gooladda lasii wareegana ,jeegaanta inta gudaha ku jirta Moyee ,inta dusha saaraniba way daadataa .
Markaa imika jiiraddii jeegaanta ayaa soo dhow ,baabuurkuna xawli buu ku socdaa ,sidaa darteed hadii buuq iyo sa waxan maqashaan waxba ha u dhegtaagina ,waa jiiraddii jeegaantu kaga daadan jirtaye .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top