Connect with us

somalilandtoday.com

Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Xarunta Hay’ada Batroolka Liibiya

focus

Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Xarunta Hay’ada Batroolka Liibiya

(SLT-Liibiya)-Koox hubeysan ayaa Isniintii shalay weerar ku qaaday xarunta dhexe ee hay’ada Batroolka ee wadanka Liibiya oo ku taal bartamaha caasimada dalkaasi ee Tripoli.

Weerarkan ayaa la sheegay inay geysteen koox gaareysa lix nin oo la sheegay in mid kamid ah isku qarxiyey gudaha xaruntaasi.

Illaa iyo hada ma jirto koox sheegatay weerarkan balse dowlada Liibiya ayaa sheegtay inay tuhunsan tahay inay ka danbeyso kooxda Daacish (ISIS). Ugu yaraan labo kamid ah meydka ragga weerarka geystay ayey dowlada soo bandhigtay, walow aan la aqoon halka ay ku danbeeyeen kuwii kale ee weerarkaasi ka qeyb qaatay.

Waxaa jira weli warar is khilaafsan oo kasoo baxaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhalatay weerarkan, walow saraakiisha dowlada ay sheegayaan in ugu yaraan 2 kamid ah illaalada xaruntaasi ay ku dhinteen dagaalka ka dhacay gudaha xaruntaasi, halka 10 kamid ah shaqaalaha dowlada ay dhaawacmeen.

Kadib qaraxa ka dhacay qeybta hoose ee xaruntaasi ayaa waxa goobtaasi ka dhashay dab xoogleh oo khasaaro u geystey daartaasi oo ah goobta ay ku shaqeeyaan madaxda dowlada Liibiya u qaabilsan arrimaha Batroolka, waxaana la arkayey shaqaalaha goobtaasi oo qaarkood daaqadaha xaruntaasi jabinaya si ay uga baxsadaan goobtaasi.

Waa weerarkii ugu cuslaa oo noociisa ah oo lala beegsado xarunta hay’ ada qaabilsan batroolka dalkaasi, walow ay horey u dhici jirtay in maleeshiyaadka Hubeysan ee dalkaasi ay isbaaro u dhigtaan goobaha shidaalka laga soo saaro.

Duulaankan ayaa kusoo beegmay wax ka yar todobaad kadib markii xabad joojin la dhex dhigay maleeshiyaadka iska horjeeda ee ku dagaalamay magaalada Caasimada ah, iyadoo la rumeysan yahay in ISIS ay ka faa’iideystay xiisada ka dhex taagan maleeshiyaadka awooda kuleh caasimada oo qaarkood gacan kasiiya dowlada dhinaca sugida amniga Tripoli.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top