Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Amar Ku Bixiyay In La Xidho Xafiiska Ururka Xoreynta Falastiiniyiinta Ee Washington

focus

Mareykanka Oo Amar Ku Bixiyay In La Xidho Xafiiska Ururka Xoreynta Falastiiniyiinta Ee Washington

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa waxaay amartay in la xiro xafiiska uu Ururka Xoreynta Falastiiniyiinta ku leeyahay magaalada Washington, iyadoo sheegtay in Falastiiniyiintu aanay taageerin wadahallada nabadda ee Israa’iil.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay sheegtay in ururka PLO uu diiday inuu Marykanka kala hadlo dadaallada nabadda ee uu wado.

Xoghayaha Guud ee ururka PLO, Saaib Cureyqaat, ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid aad u khatar ah.

Lataliyaha ammaanka qaranka ee Aqalka Cad, John Bolton, wuxuu sheegay in go’aanka lagu xiray howlgalka Falastiiniyiinta ee Washington uu ka dhashay markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay ku adkaysatay inay baaritaan ku sameyso falalka ay Israa’iil ka gaysato Daanta Galbeed iyo Marinka Qaza ee maamulka Falastiin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top