Hargeysa (Somalilandtoday) Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed oo shalay warbaahinta madaxa bannaan la hadlay ayaa duray Siyaasadda qabiilaysan ee uu Ismaaciil Buubaa la dhex joogo dalka iyo weliba sida uu u kala qeybinayo dhalinyaradda reer Somaliland.
Ganacsadde Cali oo ugu horeyn la hadlaya Ismaaciil Buubaa ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:
“Ismaaciil Buubaa oo nin weyn ah, ragga ugu mudakarsan’na ah waddanka, Qoys qiimo lehna ka soo jeeda ayaa ka hadla ayaamahan waxyaabo aad u fool xun oo dhalinta soo koraysa kala fogaynaysa oo Qabyaalad iyo kala qeybin leh, Ismaaciil waxaan xasuustaa dhacdadii 11kii September 2001dii markay dhacday ayuu maalin ka hadlay Idaacadda BBC Somali waxaannu yidhi Daaraha Maraykanka laga dumiyey, Xadiidka lagu dhisi doono waxa laga qaadi doonaa Soomaaliya, dadka qaar baa iskaraabkii ururin gaadhay, waxaanu leenahay Ismaaciil Buubaa’yow anigu ragga Faamligiinii aad u yaaqaanna Ayaan ahay ee ka daa kala qeybinta ubadkeena soddon jirka ah, waana kugu fool xumo.”
Cali Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa taageeray wareegtaddii Madaxweyne Muuse Biixi kaga wareejiyey Shirkaddihii Maamulka Haamaha Gacanta ku hayey, isla markaana ka soo sheekeyey taariikhdii ay soo mareen Haamaha Keydka Shidaalka iyo waliba in loo baahan yahay in aanay ka bixin Gacanta Dawladda. Waxaanu yidhi: “Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbara waxa Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku wareejiyey 1999kii Shirkaddii TOTAL oo iyaddu toban sanno gacanta ku haysay, shirkaddaas oo aan dayactir kii loo baahnaa aan ku sameyn wakhtigaas, kana heshay Xoolo Baden, waxaaney baabiiyeen lix dhumood oo soo gali jiray Haamaha Keydka Shidaalka oo ay ku baddeleen dhuun kaliya oo tambareeri ah, annaga rag kale oo baden waxaanu ka shaqeynay oo aanu tacab baden galinay sidii Shirkadda Total ku dagi lahayd Dalka annagoo ka fakiraynay danta caamka ah.intaas ka dib waxa ka wareejiyey shirkaddii Total Madaxweyne hore ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gacanta Dawladda kusoo celiyey, waxa markale ay Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u Gacan galisay shirkaddo reer Somaliland ah, kuwaas oo Maamulayey Muddo Saddex Sanno ah, ayuu wareegto soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lagaga wareejinayo maamulka Haamaha Keydka Shidaalka, waxaan qabaa haamaha keydka shidaalka lagu celiyo gacanta dawladda waa muhiim, wixii shirkaddaha ka galayna in la siiyo oo loo celiyona waa mudantahay.” Ayuu yidhi Ganacsadde Cali Cumar Xasan Guuleed.
Ugu dambeyn waxa uu Gacansadde Cali Cumar Xasan Dambiile Qaran ku tilmaamay Kornayl Caarre oo ah nin Ciidanka Qaranka Somaliland ka Goostay, waxaanu ku taliyey inaan laga hor dhicin Xukuumadda iyo Madaxweynaha inta Go’aan laga gaadhayo loona daayo, waxaanu yidhi: “ Caarre waa dambiile Qaran cidna looga baqi maayo iyo wixii la midiba, waxaan odhanla taana waar yaan dadka la lug’goyne taariikhda kamay dhicin nin intuu qori soo qaata u talaaba meel kale oo ku soo duula tan ( Somaliland), Caarre wixii laga yeelayo waxay u taala Xukuumadda iyo Madaxweynaha’e ee haloo daayo.