Connect with us

somalilandtoday.com

Milatariga Nigeria Oo Sheegay In Uu Qabsaday Magaalada Gudumbali

focus

Milatariga Nigeria Oo Sheegay In Uu Qabsaday Magaalada Gudumbali

(SLT-Nigeria)-Milatariga dalka Nigeria ayaa sheegay in uu hadda gacanka ku hayo magaalada Gudumbali ee bariga dalkaasi kaddib markii Jimcihii la soo dhaafay ay magaaladaasi weerartay kooxda Boko Xaraam.

Arrintan ayaa timid xilli kooxda la baxday dowladda Islaamka ay sheegtay in dagaalyahannadeeda ay dileen saddex askari oo ka tirsan milatariga dalkaasi Nigeria isla markaana ay burburiyeen sagaal baabuur oo ah kuwa gaashaaman.

Weerarka ka dhacay Gudumbali ayaa ah astaan kale oo muujineysa in dagaalka u dhaxeeya kooxda Boko Xaraam iyo ciidamada milatariga dalka Nigeria uu sii xoogeysanayo.

Milatariga ayaa beeniyay in wax khasaare ah uu ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday maalintii jimcaha ahayd basle dad goob joogeyaal ah ayaa wakaaladaha wararka ee reuters iyo AFP u sheegay in qaar ka tirsan askarta milatariga Nigeria lagu dilay weerarkaasi haseyeeshee ilaa haatan lama sheegin tirade dhabta ah ee askari ku dhimatay weerarkaasi.

Bishii Juun ee sanadkan ayaa magaaladaasi Gudumbali waxaa ku soo laabtay qaar ka mid ah dadkaa horey uga qaxay kaddib markii milatariga dalkaasi uu sheegay in ammaanka magaaladaasi uu sugan yahay.

Milatariga ayaa sheegaya in dadkani barakacayaasha ahi ay iskood ugu soo laabteen magaaladaasi balse wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in saraakiisha dowladda ay mucaawanadii ka jareen dadka diiday in ay magaalada ku soo laabtaan.

Sanadkii 2016 ayaa kooxda Boko Xaraam waxa ay u kala jabtay laba garab, waxaana garab ka mid ah uu ku biiray kooxda dowladda Islaamka, waxa uuna in mudda ah isku dayayay in uu taageero ka helo dadka deegaanka.

Garabkan ayaa ku doodaya in dowladda ay tahay cadow balse shacabka ay tahay in ay soo dhaweystaan.

Waxa uuna sheegtay mas’uuliyadda weerarro dhawaan lagu qaaday saldhigyo milatari oo ku yaala woqooyiga.

Saldhigyadaasi waxaa ka mid ah saldhig ku yaal tuulada Zari oo 50 km woqooyi galbeed ka xigta magaalada Gudumbali, halkaasi oo sida la sheegay lagu dilay 48 askari.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top