Connect with us

somalilandtoday.com

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

focus

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootay, 16 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta lala beegsaday xarunta degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu sidoo kale burbur xooggan u gaystay xarunta degmada.

“Qaraxa aad ayuu u weynaa” waxaa sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay Ibraahim Maxamed oo ah sarkaal ka tirsna booliska.

Qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada, ayay maleeshiyada Al-Shabaab ku sheegteen mas’uuliyadda weerarka.

Waa markii labaad oo kooxda Al-Shabaab ay qarax la beegsato xarun degmo oo ku taalla magaalada Muqidsho, bil gudaheed.

Sidoo kale, labadii September, qarax ismiidaamin ahaa ayaa burburiyey xarunta degmada Howl-Wadaag oo ku dheggan degmada Hodan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top