Connect with us

somalilandtoday.com

Dablaydii Afduubka U Gaysatay Gaadhigii Shirkadda Oomar Oo Qoraal Ay Soo Direen Ku Caddeeyay Inaanay Waxba Ka Dhaxayn Shirkadaasi

focus

Dablaydii Afduubka U Gaysatay Gaadhigii Shirkadda Oomar Oo Qoraal Ay Soo Direen Ku Caddeeyay Inaanay Waxba Ka Dhaxayn Shirkadaasi

(SLT-Hargeysa)-Dablaydii Todobaadkii hore afduubka u gaysatay gaadhi ay leedahay Shirkadda Weyn ee OOMAAR Company (OMINCO) ayaa qoraal dheer oo ay warbaahinta u soo direen ku faah faahiyay falkii amni darada ahaa ee ay ku kaceen,waxa ay qoraalkooda ku cadeeyeen inaanay jirin wax dacwad ah ama kiis ah oo dhex maray Shirkadda Oomaar, sidoo kalena may sheegin wax ku kalifay inay Gaadhi shirkadu leedahay ay afduubtaan. Waxa ay sheegeen in mid ka mid ah Shuftadaasi uu gaadhi kaga burburay dekeda Berbera kaasi oo ay sheegeen inuu ku dhacay Koontiinar Dekeda yaalay.

Qoraalkaas oo uu ku saxeexan yahay Mr. Najax Xasan Ismaaciil waxa uu u qornaa sidan; Madaxweyne, waxa aan halkan kuugu soo gudbinayaa caddaalad-darro ballaadhan oo aan ka tirsanayo Bahda Garsoorka Somaliland, arrintaasina waxay iga qabsatay Magaalada Berbera, kadib markii gaadhi Shaampoo ah oo aan lahaa oo raran oo taagan Dekedda Berbera dhexdeeda uu amar la’aan ku galay nin xamaal ah, kuna dhuftay Koontiinar ay baabuuri ku jirtay, gaadhigaygiina uu halkaas ku baaba’ay. Markii aan Xaaji Cali Xoorxoor (oo waqtigaas ahaa Maareeyaha Dekedda) u cawdayna indhaha ayuu iga laliyey, waxaannu yidhi; “Ciddii lagu yeesho ayaan khasaarahan ballaadhan ka doonayaa. Ka dib waxaa la soo xidhay ninkii gaadhiga amar la’aanta ku galay. Maxkamadda Berbera ayaana ku xukuntay inuu bixiyo khasaarahaasi. Maxkamaduna dambi ayay iga gashay oo 4 jeer ayay sii daysay, waxaanay ii sheegi kari weyday sababta ay ku sii daysay.

Ka dib waxa aan la kulmay, salaadiintiisii iyo niman u adeer ah (ninka xamaalka ahaa) oo ka shaqeeya Shirkadda Oomaar, waxayna iigu jawaabeen; FAA’IIDADA AAD HAYSO CIDNA HA ISAGA SHEEGIN.!! Ka dib waxaan soo dhacay gaadhi shaamboo ah oo ay leeyihiin nimankii dhibta ii geystay. Waxaan soo jiidhay dhammaan kaantaroolada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxaanan keenay Gaadhigii magaalada Hargeysa. Gurmad ballaadhan oo ay Dowladdu arrintaasi ka gashay ka dib wuxuu Jannanka Ciidanka Boolisku nagu amray in gaadhigaasi aannu ku soo celino Gacanta Dowladda. Si aannu dhex idiinku hayno, arrintaana waannu aqballay. Ninkii gaadhiga soo dhacayna waa la xidhay, waxaanna la mariyey Sharciga. Waxyeeladii aannu Gaadhiga gaadhsiinayna waanu bixinay. Gaadhigii aannu soo dhacnayna waxaa qoladii lahayd gacanta ka galiyey niman dan leh.

Haddaba, aniga ciddii wax ii geysatay Maxkamaddu waxay iga sii deysay 5 goor, waxaana la soo baxay ninka la yidhaa Suldaan Ismaaciil. Aniga Gaadhigaygii cid loo ciqaabay iyo cid ii qaadatay midna ma jirto. Ag istaag mooyaane. Ka dib waxaan u soo dacwooday Jananka Booliska Somaliland, waxaannu ii gudbiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Guddoomiyihiina arrintii si sulux ah ayuu u galay oo ahayd in khasaarihii soo gaadhay Koonteenarka uu bixiyo Xaaji Cali Xoorxoor, khasaaraha gaadhigayga soo gaadhayna ay bixiyaan ciddii geysatay ee uu dammiinka ka ahaa Suldaan Ismaaciil. Hadda arrintu waxay maraysaa 3 sanno iyo bil. Qoloftii gaadhigayguna waxa ay taallaa Geerash Berbera ah oo uu Suldaan Ismaaciil dhigay. Markii aan u soo dacwooday Jananka booliska waxaa Suldaan Ismaaciil ka soo baxday Gaadhiga waataanu bixinay haddii ay kharash noqoto iyo haddii ay wax gaadhiga lagu soo qiimeeyay noqotoba, laakiin qoladani baad bay naga doonayaan. Markii aan idhi waxba idinkama hayo ee ciddii aad iigu dhiibtay sheeg oo caddee wuu diiday inuu sheego, anigana Taliyaha ayaa i xidhay. Markii arrintaa baadhis loo diray ee ay galeen niman saraakiil ahi, loona yeedhay ninkii geerashka ee Berbera waxaa caddaatay in Suldaan Ismaaciil uu gaadhiga geerashka u dhiibay Tumaalis qudha kula heshiiyay. Waxaa caddaatay in wax tallaabo ah oo qabsoontay aanay jirin ee Gaadhigii Suldaan Ismaaciil lagu leeyahay. Mar kale ayuu jananku ii diray in aan keeno ninkii geerashka kelidii.

Kharash la’aan ayaan Berbera dib uga dhacay, markii aan ninkii keenay wuxuu igu yidhi waad habsaantay, kiiskaasuna wuu i dhaafay. Guddoomiyii Maxkamadda Sare ayaan dib ugu noqday, waxaannu yidhi; “Mar haddii ay sulixii ka baxeen ii keen xukunkii oo dhammaystiran aan ku xukumee, markii aan keenay Guddoomiyuhu wuxuu igula hadlay hadalo aan fahmi waayay, kadibna waxa aan go’aansaday mar haddii caddaaladdii la waayay, in arrintaydu qori caaradii aanay ka fursanayn. Qorigaa caaradii baan arrinta ku xallinayaa mar haddii aanay ii noolayn naf iyo maal toona. Baloodhadii aan deggenaa arrintaa darteed baan u xaraashay. Qori caaradii ayaan ku dhammaystirayaa arrintan ee wixii ka yimaadda waxaa masuuliyadeeda leh Dowladda Somaliland, gaar ahaan Bahda Garsoorka. Wadahadal iyo odayaal 22 goor baa la kala aayo waayay. Wax dambe oo la is yidhaa ma hadhin.

FIIRO GAARA: Jananka Ciidanka Booliska Somaliland aad buu u jeclaa inay arrintaasu wanaag ku dhammaato, Cid aan caddaalad ka uriyayna isagaa jiray, laakiin niman xumaan wadaa arrintii kharibay oo ku soo celinaayay iyadoo sidii hore ka xun,” ayuu qoraalkiisan ku yidhi ninka sheegtay Mr. Najax Xasan Ismaaciil.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top