Connect with us

somalilandtoday.com

Agaasime Waaxeedyo Ka Tirsan Cisbitaalka Boorama Oo Xilal Ku Waayey Haybtooda Oo Taageertay Xisbiga WADDANI Doorshooyinkii Dalka Ka Dhacay

focus

Agaasime Waaxeedyo Ka Tirsan Cisbitaalka Boorama Oo Xilal Ku Waayey Haybtooda Oo Taageertay Xisbiga WADDANI Doorshooyinkii Dalka Ka Dhacay

(SLT-Hargeysa)-Isku-shaandheyn dhawaan ka dhacday Cisbitaalka Guud ee Magaalada Boorama ayaa qaar ka mid qah agaasime waaxeedyada Cisbitaalkaasi ku waayeen xilal ay soo hayeen sannado tiro badan.

Isku-shaandheyntan ayaa sida ka muuqata lagu ogaaday in madaxda waaxyaha Cisbitaalkaasi qaarkood xil ka qaadistooda loo cuskaday beelaha ay kasoo jeedaan oo wakhtigii ololaha doorashooyinkii Madaxtooyada dalka ka dhacday sannadkii hore taageero siinayey xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Boorama Gahayr ayaa la sheegeyaa in waaxyaha qaarkood uu u magacaabay xubo ka ka mid ah beeshiisa oo aanay qaarkood u diiwaangashanayn hay’adda shaqaalaha dawladda meeshana laga saaray ama la fadhiisiyeyba kuwii hay’addaasi u diiwaangeshanaa isbitaalkaasina ka shaqaynayey labaatankii sanadood ee u dambeeyey.

Madax waaxeedyada la fadhiisiyey ayaa wax ka mid ah madaxii qaybta Raajatada oo shaqo joojintiisa loogu marmarsiiyooday inuu qalabka X-Ray-ga ah kharibay .

Isku- shaandheyntan dhinaca ka raran ee uu ku kacay agaasimaha Cisbitaalkaasi oo wax laga weydiiyey isuduwaha caafimaadka gobolka ayaa sheegay inaanu ka warhayn, hase yeeshee uu dib u baadhi doono wixii ka jira .

Wariye: Cumar Maxamed Ibraahin, Borama

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top