Connect with us

somalilandtoday.com

Tirada Dadka Ku Dhintay Dagaalo Ka Dhacay Koonfur Galbeed Ee Magaalada Laascaanood Oo Sii Korodhay

focus

Tirada Dadka Ku Dhintay Dagaalo Ka Dhacay Koonfur Galbeed Ee Magaalada Laascaanood Oo Sii Korodhay

(SLT-Laascaanood)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaano ka mid ah gobolka Sool ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay iska horimaadyo hubeysan oo halkaa ku dhex maraya maleeshiyo beeleed ay sii korodhay.

Labo qof ayaa lagu diley labo kalana waa ay ku dhaawacmeen deegaanka Dhumay oo ka tirsan degmada laascaanood .

Dilkan ayaa la sheegay inuu daba socdo dagaal dad badani ku dhinteen oo shalay ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaankaasi Dhumay iyo Dharkeyn-geenyo oo ku yaalla koonfur galbeed ee magaalada laascaanood .

Waxaa soo baxaya baaqyo ku aadan in la joojiyo colaadda sii kordhaysa ee ka jirta deegaanka iyadoo beelaha halkaa ku dagaalamaya loogu baaqay inay wadahadal ku xaliyaan khilaafkooda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top