Connect with us

somalilandtoday.com

Shacabka Gobolka Idlib Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka

focus

Shacabka Gobolka Idlib Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka

(SLT-Idlib)-Dibadbaxyo ayaa ka dhacay gobolka Idlib ee dalka Suuriya , waxaana ay dabadbaxaasha ay beesha caalamka ugu soo faragaliyaan si looga hortago in duulaan lagu qaado goobaha ay mucaaradka haystaan.

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa imika kaabiga ku haya xudduuda gobolkaasi Idlib ee ay mucaaradka ku xooggan yihiin.

Xoogaga Suuriya ayaa gacan ak helaya Ruushka iyo Iiraan.

Dhanka kale shirwayne ka socda magaalada Teheran,ayaa waxa ay dalalkan sheegeen in dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen argagixisada uu sii socon doono.

Waxa ay sidoo Iiraan,iyo Ruushka ay sheegeen in uu madaxwayne Assad xaq u leeyahay in uu gacanta ku wada dhigo dalkaasi.

Walaaca laga qabo duulaanka gobolka Idlib ayaa waxa sidoo kale lagu soo qaaday kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha dowladda UK u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in caruurta ku sugan Idlib ay ak badan yihiin argagixisada ku sugan.

Qaramada Midoobay ayaa horey uga digtay weerar ballaaran oo ay dowladda Suuriya iyo xulufadeeda ku qaadaan gobolka Idilib taasi oo ay sida ay sheegtay ay ak dhalan.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ka digay in dowladda madaxwayne Assad ay u adeegsato duulaanka Idlib hub kimiko ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top