Connect with us

somalilandtoday.com

Musharrax Madaxweyne Oo Mindi Caloosha Laga Geliyay +SAWIRRO

focus

Musharrax Madaxweyne Oo Mindi Caloosha Laga Geliyay +SAWIRRO

(SLT-Brazil)-Jair Bolsonaro oo ah musharrax madaxweyne oo kasoo jeeda dalka Brazil ayaa mindi la geliyay xilli uu ololihiisa musharraxnimo uu ka waday magaalada Juiz de Fora ee koonfur-bari dalkaasi.

Ruux isku soo dhex qariyay taageerayaashiisa ayaa mindida caloosha ka geliyay, waxaana dambiilaha qabtay taageerayaasha oo aad u jirdilay inta aysan boolisku kasoo gaarin.

Wiil uu dhalay musharraxa oo isna siyaasi ah islamarkaana lagu magacaabo Flavio Bolsonaro ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in Aabihii mindidaasi la geliyay ay waxyeelo halis ah gaarsiisay xubno ka mid ah jirkiisa sida killi, xiidmo iyo xubno kale, waxaana uu intaasi raaciyay in dhiig badani ka baxay aabihii.

7. bisha Oktober ee sannadkan ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Brazil ka qabsoonto doorasho, waxaana musharraxa mindida la geliyay la sheegay in uu kujiro kaalinta labaad ee musharrixiinta ugu cad-cad doorashada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top