Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Jaamacada Burco Oo Lagu Khasbay Inuu Yidhaahdo Madaxweynaha Maanaan Casuumin..

Articles

Guddoomiyaha Jaamacada Burco Oo Lagu Khasbay Inuu Yidhaahdo Madaxweynaha Maanaan Casuumin..

Madaxtooyada Somaliland ayaa Gudoomiyaha Jaamacadda Burco ku qasabtay inuu Madaxwaynaha Somaliland ka difaaco eedaymaha ah inuu Xafladda Qalinjabinta ardayda ka Muquurtay.


Gudoomiyaha jaamacadda Burco Pro Saleebaan Dirir Cabdi oo Warbaahinta maanta Burco kula hadlay ayaa sheegay in jaamacadda Burco aanay Xafladda qalinjabinta ku Casuumin Madaxwaynaha Somaliland oo ay ku casuumeen oo kaliya Agaasimaha madaxtooyada maruu Laascaanood ku sugnaa,

Gudoomiyaha Jaamacadda oo hadalkiisaasi u muuqday mid lagu qasbay inuu madaxwaynaha ka

difaaco eedaymaha Faraha badan ee kaga yimi Ardayda jaamacadda burco iyo Bulshada gobolka togdheer oo ka biyo diiday sababta madaxwaynaha iyo wasaaradda waxbarashu ardayda ugalasoo qayb gali waayeen xafladdii qalinjabinta. iyadoo Bulshada Gobolka togdheer ku eedeeyay Xukuumada inay kala qoqobayso gobolada Galbeedka iyo Bariga somaliland oo dhawaan labada jaamacadood ee camuud iyo hargaisa kala qayb galay Xafladahii ardaydu ku qalinjabinayeen. \

Hadalka gudoomiyaha jaamacadda burco waxaa ka biyo diiday Macalimiinta iyo ardayda jaamacadda burco oo la filayo iyana inay hadlaan.

gudoomiyaha jaamacadda burco hadalkiisa ayaa kusoo beegamaya warsaxaafadeed xalay kasoo baxay madaxtooyada oo lagu sheegay in aan la ogaynsiin madaxwaynaha Xafladda qalinjabinta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top