Connect with us

somalilandtoday.com

Toban Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Labo Beelood U Dhaxeeya Oo Ka Dhacay Galbeedka Magaalada Laascaanood

focus

Toban Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Labo Beelood U Dhaxeeya Oo Ka Dhacay Galbeedka Magaalada Laascaanood

(SLT-Laascaanood)-Toban qof ayaa ku dhintay dagaal labo beelood u dhaxeeya oo ka dhacay deeganka Dhumay oo qiyaastii 80KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada laascaanood, sida ay wararku sheegayaan.

Weriyaha BBC-da Axmed Siciid Cige oo la xidhiidhay masuuliyiinta Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo dadka deegaanka ayey u xaqiijiyeen dagaalkan labada beelood oo soo noqnoqday dhowrkii sanno ee u danbeeyay inkastoo heshiisyo la dhexdhigay marar hore.

Dagaalkan maanta ayaa ka bilaabmay sida wararku sheegayaan kadib markii shalay maqribkii lagu dilay deegaanka Dhumey nin carraabe ahaa.

Ciidammo ka tirsan Somaliland ayaa goor dhoweyd la sheegay inay gaadheen deegaankaasi si ay u joojiyeen dagaalka.

Dhinaca kalena haweenay ayaa dhimatay kadib markii shalay uu toogtay nin geel watay oo ay isku khilaafeen daaqsin geel, sida uu BBC u sheegay duqa degmada Ceel Afweyn ee gobolka sanaag Cabdiraxiim aw Yuusuf.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top